New York (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa ku baaqday in si dhab ah loola xisaabto Dowladda Imaaraadka Carabta iyo cid kasta oo ku lug leh colaadda dalka Sudan.
Ilhaan oo si adag uga hadashay dagaalka Sudan iyo xaaladda bani’aadamnimo ee aadka u daran ee ka dhalatay colaadan, taas oo ay ku tilmaantay mid ka mid ah kuwa ugu xanuunka badan caalamka.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda X (ex-Twitter) ayay Ilhaan ku sheegtay in dagaalka sokeeye ee Sudan uu sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka in ka badan 12 milyan ay guryohoodii ka barakaceen, taas oo ay ku qeexday xaalad murugo leh oo naxdin badan.
Ilhaan Cumar ayaa si gaar ah u tilmaantay sawirrada iyo muuqaallada laga soo qaaday magaalada El Fasher, kuwaas oo muujinaya ciidamada RSF oo gacanta ku dhigay magaalada, iyada oo sheegtay in ay yihiin caddeymo ka turjumaya dhibaatada daran ee shacabka ku haysata colaadda.
Sidoo kale waxay si kulul u cambaareysay Imaaraadka Carabta iyo ganacsatada hubka ee taageera ciidamada RSF, iyadoo ku baaqday in la marsiiyo sharciga cid kasta oo gacan ka geysata dhiigga daadanaya ee Sudan.
“Imaaraadka iyo kuwa kale ee hubka siiya RSF waa in lala xisaabtamo,” ayay tiri Ilhaan Cumar, iyadoo ku baaqday in beesha caalamka ay tallaabo cad ka qaaddo xasuuqa iyo barakicinta baahsan ee ka jirta dalkaas.
Dhawaan, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta (UAE) inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Tan ayaa imaneysa kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.
Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.
Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.
Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

