Imaaraadka Carabta oo ka jawaabay hanjabaadii Turkey

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Turkiga looga baahanyahay in uu joojiyo faro-gelinta arrimaha Carabta, isagoo cambaareeyay hadal uu wasiirka difaaca Turkigu ka sheegay Liibiya.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii warbaahinta Turkiga ay werisay in wasiirka difaaca Turkiga uu ka hadlaya arrimo xasaasi ah oo ku saabsan cuno-qabateynta Imaaraadku saaray Liibiya.

Imaaraadka oo kaashanaya Masar, iyo Ruushka ayaa taageera ciidanka jooga bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khaliifa Hafter, kaas oo xoogaggiisu ay dagaal kula jiraan dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Turkigu-na waxa uu tageerayaa dowladda Liibiya.

“Xiriiradda hanjabaado laguma maareeyo mana jiro gumeysi xilligaan,” ayuu Twitter-ka kusoo qoray Anwar Gargash.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa toddobaadkii sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay “dal lagu shaqeyso oo dalal kale ugu adeega militari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.”

Isaga oo cambaareynaya faro-gelinta Imaaraadka ee Libya iyo Syria, ayaa Akar wuxuu wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay in Turkiga ay Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria.

Akar ayaa Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan “sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.”

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan “ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Ankara.