28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyey weerarkii May 4 lagu qaaday magaalada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ayaa markii ugu horreysay si toos ah ugu eedeysay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta in ay si militari ah uga qeybq aadatay dagaalka ka socda dalkaas, gaar ahaan weerar lagu qaaday magaalada dekedda leh ee Port Sudan.

Sudan ayaa tallaabadaas ku tilmaantay faragelin milatari oo toos ah oo qeyb ka ah dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo xoogagga sida militariga u tababaran ee Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF).

Imaaraadka Carabta ayaa si cad u beeniyay eedeymaha, isagoo bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu cambaareynayo weerarka. Mas’uul Imaaraad ah ayaa yiri: “Waa arrin laga xumaado in mas’uuliyiinta Port Sudan ay sii wadaan falal rabshado ah oo ka dhan ah muwaadiniintooda, haddana isku dayayaan in ay eedda ka leexiyaan oo dusha ka saaraan dalal kale, halkii ay mas’uuliyadda uga qaadi lahaayeen colaadda gudaha ka aloosan.”

Isagoo Isniintii ka hadlayay magaalada New York, Danjiraha Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay, Al-Harith Idris, ayaa sheegay in weerarkii dhacay 4-tii May ee lagu qaaday Port Sudan — oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee ciidamada milateriga xilliga dagaalka — ay fuliyeen diyaarado dagaal oo noocyadoodu ahaayeen MQ-9 ama MQ-9B iyo drones is-qarxinaya, kuwaas oo la sheegay in laga soo riday saldhig Imaaraad leeyahay oo ku yaalla Badda Cas, iyadoo taageero laga helayay maraakiib Imaaraad ah.

Danjire Idris ayaa intaas ku daray in weerarkaasi uu ahaa aargudasho ka dhan ah weerar milaterigu ku qaaday maalintii ka horreysay diyaarad dagaal oo la tuhunsan yahay in ay ahayd Imaaraad, taasoo ku sugneyd magaalada Nyala ee ay gacanta ku hayso RSF. Wuxuu sheegay in weerarkaasi uu sababay dhimashada 13 qof oo ajaanib ah, oo ay ku jireen “xubno ka tirsan Imaaraadka.”

Bishan gudaheeda, Suudaan waxay si rasmi ah u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay inuu si toos ah ugu gacan siiyo RSF hub casri ah iyo agab milatari. Dagaalka oo qarxay bishii April 2023 ayaa ka dhashay khilaaf la xiriira qorshe lagu mideyn lahaa labada ciidan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Talaadadii Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka ka hor sheegay in: “Waxaan si cad ugu sheegnay Imaaraadka iyo dalal kale in dagaalkan uu isu beddelay mid wakiillo lagu dirirayo, taasoo khatar ku ah xasilloonida guud ee gobolka.”

Dhanka kale, xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa Khamiistii hore bilaabay dadaal lagu doonayo in lagu horjoogsado hub Mareykanka uu ka iibinayo Imaaraadka, iyagoo ku saleynaya eedeymaha ku saabsan faragelinta uu ku leeyahay dagaalka Suudaan.

Weerarada ay fuliyaan drones-ka la tuhunsan yahay inay RSF ka dambeyso ayaa si isa soo taraysa u kordhay tan iyo markii ciidamada milateriga Suudaan ay sanadkan bilaabeen horumar dhanka dhulka ah. Talaadadii, milateriga ayaa sheegay in ay gebi ahaanba ka saareen ciidamada RSF gobolka Khartoum State.

Drones-ka ayaa si isdaba joog ah u beegsanayay xarumo rayid iyo milatari oo ku yaalla deegaannada ay dowladda maamusho, taasoo keentay koronto la’aan iyo biyaha oo go’ay. Si kastaba, weerarkii 4-tii May ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee lagu qaado magaalada Port Sudan — oo ah xarun muhiim u ah howlaha bani’aadannimo iyo diblomaasiyadeed ee dowladda Suudaan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News