IMAARAADKA oo ballan-qaad hor leh u sameeyay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al-Rumaithi.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo soo dhaweyn, ayaa waxa uu Danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka uu sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu danjiraha u ballan-qaaday guddoomiyaha inay dowladiisa ay kala shaqeyn doonto dib usoo kabashada & horumarinta dalkeena iyo weliba sii adkeynta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyntii dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku bogaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, wuxuuna danjiraha ku booriyay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalal ay aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto.