Imaaraadka oo guuldarro kala kulmay kiiskii dacwada maxkamada ICJ ee Qatar

Hague (Caasimada Online) – Maxkmadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ayaa shalay ridda xukun ka dhan ah dalka Imaaraadka Carabta, ayada oo dalkaas ugu baaqday inuu mideeyo qoysaska reer Qatar, islamarkaana joojiyo xadgudubka jinsi ee ka dhanka ah.

Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Bahrain ayaa horey ugu midoobay isbaheysi ka dhan ah Qatar, ayaga oo dalkaas saaray xanibaad dhinaca dhulka, hawada iyo badda ah, markii ay ku eedeeyeeyn Doha inay taageerto argagixisada.

Sanad kadib xanibaaddaas ayaa Qatar ay dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay maxkamadda ICJ, ayada oo Imaaraadka ku eedeysay midab takoor ka dhan ah dadka u dhashay Qatar.

Xukunka maxkamadda ee shalay ayaa dhigaya in qoysaska Qatar ee ay saameysay xanibaadda loo ogolaado inay sii wataan waxbarashadooda dalka Imaaraadka Carabta, ama la siiyo dokumentiska ay u baahan yihiin, si ay waxbarashada uga sii wataan meelo kale.

ICJ ayaa sidoo kale ku amartay in dadka Qatar ay helaan nidaam cadaaladeed.

Qatar iyo Imaaraadka ayaa labadaba saxiixay xeerka caalamiga ah ee baabi’inta nooc kasta oo midab takoor ee loo soo gaabiyo CERD. Masar, Sacuudiga iyo Bahrain, ma saxiixin xeerkan, sidaas darteed laguma dacweyn karo.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com