Imaaraadka oo halis cusub ku tilmaamay joogitaanka ciidanka Turkiga ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa shaki galisay daacadnimada dowlada Turkiga ee ku aadan difaaca Somalia, kadib furitaanka Saldhiga Militery ee Somalia.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay wargeyska Al-Sharq ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in Saldhiga Turkiga ee Somalia uu caqabado u abuuri karo dowladaha carbeed iyo kuwa kasoo horjeeda danaha Turkiga.

Waxaa lagu sheegay in ujeedka dhismaha Saldhigaasi uu yahay mid ka fog qorshaha ay Turkiga ku xoojineyso danaha dowlada Somalia ee dhanka Militery.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in Saldhigaasi ay ku diyaarsan yihiin dhammaan agabka dagaalka ee loo isticmaalo meelaha fog.

Imaaraadka waxa uu dareen ka muujiyay in hubkaasi loo adeegsado dowladah carbeed kuwooda u janjeera danaha reer galbeedka iyo in Somalia ay noqoto goob lagu tijaabiyo hubka.

Waxaa qoraalka lagu sheegay xitaa in ciidamada Imaaraadka ka jooga Somalia ay yihiin kuwo gabaad ka dhigta xoojinta xiriirka Somalia iyo Imaaraadka iyo in dowlada laga saacido dhanka Militery balse uu arrinku sidaa aheyn.

Joogitaanka ciidamada Imaaraadka ee Somalia ayaa la sheegay inuu yahay mid culeys lagu saaraayo Saldhiga Turkiga ee Somalia, waxaana la xaqiijiyay in loolanka labada dal ee ka socda Somalia uu sababay heer Hubka wax gumaada la dhigay Saldhigyada labada dal ee Somalia.

Warbixinta waxaa lagu sheegay haddii Joogitaanka ciidamada Imaaraadka ee Somali uu markiisa hore ahaa maal-gashi iyo Iskaashiga Samafalka, uu hadda yahay mid lagu dhowraayo danaha Qaranka Imaaraadka iyo doorka ay ku leeyihiin Mandiqadad Geeska Afrika.

Waxaa kaloo lagu muujiyey in Imaaraadka uu gudaha Somalia ku leeyahay qalab milliteri oo aad u culus sida Taangiyo, Diyaaradaha Dagaalka, Helikoptaro iyo kuwa aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka.

Saldhiga uu Imaaraadka ka dhisaayo magaalada Berbera ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay mid kor looga ilaalinaayo Saldhiga Turkiga ee Muqdisho, iyadoo laga duulaayo suuragalnimada in Turkigu uu baacsado Imaaraadka.

Wargeyska Al-sharaq waxa kale oo uu bidhaamiyey Hadafka Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka ee gudaha Soamlia, inuu yahay mid uu uga mid noqonaayo Ciiddamadda Marayaknka iyo Masar ee Ilaaladda ka haya Gacanka Baabul-mandab, si loo sugo ammaanka dalka Yemen iyo inay la socdaan dhaqdhaqaaqyadda Gacanka Hormus.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa si xoogan uga soo horjeeda Joogitaanka sii kordhaya ee Milliteriga Turkiga ee gudaha Somalia, taasi oo ay u arkaan mid khatar ku ah qorshaha Ciiddanka Badda ee Imaaraadka ku xoojinayaan Kontoroolka Gacan-biyoodka Baab Al-mandab.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dalka kusii kordhaaya Saldhigyada Millitery oo ay Turkiga iyo Imaaraadka ku leeyihiin Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com