Daawo video: R/W Kheyre oo weerar ku qaaday madaxda maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa xalay si dadban oo xanaf laga dhadhansan karay u weeraray Madaxda Maamul Goboleedyada, ka dib markii ay maanta Magaalada Kismaayo ka soo saareen War Murtiyeed culeys ku ah Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusaayay Maalinta Calanka Somaliyeed, laguna soo bandhigayay Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa wuxuu ka sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu burburinayo.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku baaqay inaanan la ogolaan dhaliil ujeedo gaar ahi laga leeyahay, laguna fushanayo dano qaasa, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Somaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda hadda jirtaahi u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

Daawo: Khudbaddii uu Khayre jeediyay:-