Xog: Imaaraadka oo wada qorsho milateri oo lagu qabsanayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya xogo la hubo oo muujinaaya in dowlada Imaaraadka Carabta soo afmeertay qorsho Militeri oo lagu qabsanaayo Somalia.

Qorshahaan oo lagu dhameystiray shir ay isugu yimaadeen Khubaro Militery, Sirdoon iyo Madax ka tirsan Imaaraadka oo ka dhacay magaalada Shariqa ayaa waxaa lagu go’aamiyay in Militeriga Imaaraadka laga howlgaliyo dhammaan Gobolada Somalia.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayen qaar kamid ah xubnaha dowlada Imaaraadka uga howlgala Gobolada Somalia ayaa lagu go’aamiyay dhowr qodob oo suuragalinkarta in Somalia lagu geeyo ciidamo Militery oo xad dhaaf ah, iyadoo aan dareen gaara la galineynin dowlada Somalia iyo maamulada.

1-In marka hore si buuxda loola wareego dhammaan Dekadaha Somalia sida Dekadaha Puntland, Somaliland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah kuwa ugu muhiimsan.

2-In ciidamada Militeriga Imaaraadka la geeyo Dekadaha ay la wareegayaan iyadoo la adeegsanaayo dhanka badda.

3-In Militeriga la geynaayo Dekadaha laga dhigo kuwo la wareegaaya amniga Dekadda.

4-In Saldhigyo gaara laga dhiso meelo ku dhow dhow Dekadaha, iyadoo halkaa laga ilaalinaayo Hantida Imaaraadka ee Dekadaha.

5-In maamulada Somalia Heshiis lagula galo in tababaro joogta ah loo siinaayo ciidamadooda, si loo howlgaliyo Saldhigyada cusub ee Imaaraadku qorsheynaayo.

6-In ciidamada la dajiyo dhammaan xuduudaha ay wadaagan maamulada si loo ilaaliyo danaha fog ee uu Imaaraadka ka leeyahay Somalia.

7-In la sameeyo Xerooyin lagu hayo dadka tabaaleysan si loo ballaariyo mashruuca Imaaraadka u dheereynkara joogitaankooda Somalia.

Waxaa kaloo la rajeynayaa in bilaha soo socda inay Milliteriga Imaaraadka isku faafiyaan xuduudaha kale ee Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay ka go’an tahay Istaraatijiyadda ay ku kireysanayaan Dekedaha kala duwan ee ku yaala Somalia, si ay dano dhaqaale iyo mid Milliteri ugu ilaashadaan danahooda, sida dhismaha haatan ku socda Dekedda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhaqan galinta qorshaha cusub u adeegsaneysa guddi Khubaro ah oo loo xilsaaray dhameystirka maslaxada Imaaraadka ee Somalia.

Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga iyo Masar ayaa iyaguna xooga saaraya sida ay Somalia uga sameysan lahaayen Saldhig Militery, walow dowlada Somalia ay diiday in Masar ay dhul Militery ka hesho Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com