25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Imaaraadka oo mashruuc ballaaran ku dhaqaaqaya kadib heshiiskii Saciid Deni iyo Cirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan Somaliland ka bilaabi doona dhoofinta hilibka ceeriin, iyadoo suuqa ugu weyn ee dhoofintaas loogu tala-galay uu noqonayo magaalada Ceerigaabo, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Madaxweyne Cirro ayaa arrintan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay waxgaradka magaalada Ceerigaabo, isagoo tilmaamay in gobolka Sanaag uu u baahan yahay dowladdo ama shirkado waaweyn oo maalgashada macdanta qaaliga ah ee ku jirta, kuwaas oo uu xusay in ay diyaar yihiin.

Madaxweyne Cirro ayaa carabaabay in qaabka hadda macdanta looga guro gobolka Sanaag ay tahay mid aan munaasab ahayn oo u baahan in la nidaamiyo, taas oo xukuumadda ay ka shaqeyn doonto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu waxgaradka iyo waayeelka gobolka Sanaag kula dardaarmay in bulsho ahaan loo jeesto xagga horumarka bulshada iyo wax-soo-saarka, maadaama gobolka Sanaag uu yahay gobol hodan ah oo leh khayraad badan oo kala duwan.

Sidoo kalena wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka Sanaag uu heli doono dhammaan mashaariicda horumarka bulshada ee gobol ahaan loogu talo galay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli magaalada Ceerigooda lagu soo gaba-gabeeyay shirka nabadda, oo gogoshiisa uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo beelaha gobolka Sanaag ku gaareen in guud ahaan amniga gobolka ay mas’uul ka tahay Somaliland.

Somaliland ayaa awood buuxda loo siiyay in cid kasta oo nabadda caqabad ku ah ay tallaabo ka qaado, iyadoo beelaha ka maqnaa shirkan loogu baaqay qeyb ka noqoshada nabadda ka hanaqaaday gobolkaasi.

Shirkan ayaa marka laga imaado Somaliland, sidoo kale waxaa kaalin weyn ku lahaa maamulka Puntland oo Hargeysa kala shaqeeyay qabsoomida shirka iyo in la gaaro heshiis nabadeed oo saldhig u tahay in ammaanka gobolkaasi si buuxda ula wareegto Somaliland.

Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan heshiis ku gaaray magaalada Nairobi, kaasi oo soo dadajiyay nabadeynta gobolka Sanaag. Heshiiskaas ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan Hargeysa iyo Garoowe.

Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada. Shirkaas oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxay markaas labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

- Advertisement -

Read more

Local News