IMAARAADKA oo war cusub soo saaray iyo khasaaraha xerada Goordan oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa goordhoweyd xaqiijisay in sarkaal afaraad uu saaka u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarkii shalay ka dhacday xerada Jeneral Goordan ee magaalada Muqdisho.

Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa lagu kala magacaabaa;

  1. Colonel Mohamed Al Mansouri
  2. Warrant Officer 1 Mohamed Al Shamsi
  3. Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi
  4. Corporal Suleiman Al Shehhi.

Meydadkooda ayaa gaaray Abu Dhabi maanta oo Axad ah.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Bahrain lagu dilay weerarkaan.

Saraakiishan ayaa Soomaaliya u joogay tababarrida iyo tayeynta ciidamada Soomaalida, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in saraakiisha Imaaraadka Carabta ee la weeraray aysan deganeyn xerada oo ay degan yihiin xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde, balse ay si joogto ah u tagaan xerada, si ay u bixiyaan tababarada.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in saraakiisha ay ahaayeen bartilmaameedka weerarka, inkasta oo ay jiraan askari Soomaali ah oo qeyb ka ahaa tababarka oo iyagana weerarka ku dhintay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaan, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog ka hor loo soo diray weerarka.

Askariga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay damiin ka ahaayeen oo ay tababarka geeyeen xubno sare oo ka tirsan dowladda, balse weli la isku khilaafsan yahay qofka rasmiga ah ayada oo ay jiraan warar is khilaafsan oo sheegaya xubno kala duwan.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa dhankeeda sheegtay in Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan oo ay ku tilmaamtay “mid aad u xun.”