Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%.
IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan.
Hay’adda fadhigeedu yahay Washington, ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 2017 uu dhaqaalaha sare u kacayay, sicir bararka hoos u dhacayay sidoo kalena heerka is dhaafsiga ganacsiga ee tabanna uu sii yaraanayay.
Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017.
$8 Milyan oo doollar ayaa ku korodhay xilli xisaabeedkii 2018, marka la dhinac dhigo xilli xisaabeedkii 2017.
Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com