26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Imisa ayuu Farmaajo mushaar ahaan u qaadan jiray inta uusan Madaxweyne ka noqon Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si rasmi ah isaga casilay shaqadii uu ka hayay Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee New York ee loo yaqaan ”The Buffalo office of the New York Department of Transportation”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkaasi iska casilay maalin kadib markii loo doortay Madaxweynaha JFS, kadib markii uu hubsaday inuu noqday Madaxweynaha Qaranka Somalia ee 4 sano ee soo socta.

Farmaajo ayaa mudada uu hayay xilkaasi ku shaqeyn jiray lacag dhan 83,954 Dollar sanadkiiba, waxa uuna miisaan ku dhex lahaa Waaxda Gaadiidka ee New York.

Farmaajo ma uusan fileynin inuu kusoo bixi doono Doorashada dhacday 8 Bishan, waxa uuna maamulka ka sareeyay ku wargaliyay inuu tijaabinaayo nasiibkiisa, hayeeshee markii uu guuleystay ayuu maamulka ku qanciyay is casilaadiisa.

Sidoo kale, Shaqaalaha Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee New York ee loo yaqaan ”The Buffalo office of the New York Department of Transportation” waxa ay ahaayen kuwo aan ku baraarugsaneyn hanka Madaxweyninimo ee Maxamed C/llahi Farmaajo, balse waxa ay arrintaani kusoo baraarugeen Guusha kadib.

Geesta kale, Waxaan la ogeyn Mushaarka uu Madaxweyne Farmaajo ka qaadan doono DFS, maadaama xiligii hore uu qaadan jiray lacag dhan 83,954 oo Dollarka Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News