Xog: Laba arrin oo looga hadlayo kulanka caawa u socday Farmaajo iyo beesha Habargidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaruna Villa Somalia waxaa caawa ka socda shir xasaasi ah oo dhex maraya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Odayaal, iyo xidhibaanada labada gole ugu beesha Habargidir

Kulankan uu madaxweynaha la yeelanayo beesha Habargidir ayaa ayaa ka mida shirarka iyo la-tashiyada madaxweynaha la yeelano beelaha Hawiye, ee xusul duubka ugu jira xilka ra’iisul wasaaraha ee la filayo in madaxweynaha uu magacaabo.

Waxa uu madaxweynaha horey ula kulmay qaar ka mid ah beelaha Hawiye oo ay ugu weyneyd beesha Mudullood oo iyana xilkan loolan ugu jirta.

Beesha Habargidir ayaa rajo weyn ka qabta in jagada ra’;iisal wasaaraha ay markan heli doonto, waxaana la sheegay inay u dhow yihiin xubno beeshaasi ka soo jeeda, ayada oo Farmaajo la sheegay inuu horey heshiis ula galay siyaasiyiin kasoo jeeda beeshaas.

Kulanka caawa ayaa si kastaba waxaa looga hadlayaa arrin kale oo muhiim u ah beesha Habargidir, taasi oo ah inay madaxweynaha ka dhaadhiciyaan sii deynta Sheekh Xasan Dahir Aweys, oo muddo u xiran dowladda.

Beesha Habargidir ayaa horey marar badan isugu dayday inay madaxweyne Xasan Sheekh ka dhaadhiciso in lasii daayo Xasan Daahir Aweysa, balse la sheegay inuu ku gacan seeray, waxaana ay arrintan hadda ku dayayaan madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com