Shariif Xasan oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga diyaariyay

By Asad Cabdullahi Mataan

Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ay diyaariyeen Mooshin cusub, ayaa waxaa si kulul uga hadlay Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay Mooshinkaasi waxa uuna tilmaamay in Xildhibaanada diyaariyay ay yihiin kuwo saaxiib u noqday been iyo borobagando.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in Xildhibaanadu ay ku eedeeyen inuu lunsaday dhaqaale farabadan, balse waxa uu isna sheegay inaanu jirin goobo muhiim ah oo hada dhaqaalo ka soo galai karo maamulka uu isaga hogaamiyo .

”Kama aamusi doono Xildhibaano u bareeraya inay carqaladeeyan maamulka, waxaan cadeynayaa in eedeynt la ii jeediyay aysan aheyn mid xaqiiq ah”

Xildhibaanada Mooshinka wada ayuu sheegay inay isku baheysteen magri waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan heli doonin waxa ay ka filanayaan.

Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya xili dhawaan Xildhibaano ka tirsan BKG oo tirro ahaan dhan 55 ay gudbiyeen Mooshin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com