Video: Sidee Laptop-kii lagu qarxiyey diyaaradda DAALO loo dhaafsiiyey garoonka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraaya macluumaadka laga helaayo Qaraxii ka dhex dhacay gudaha Diyaarada Daallo Airline, xili ay ku guda jirtay duulimaadkeeda caadiga ah.

Macluumaad cusub ayaa laaga helay Kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV ee ku xiran Garoonka taasi oo laga helay xogo dhaxal gal u ah Xukuumada iyo laamaha amaanka.

CCTV ayaa qabatay 2 ruux oo midi uu ku labisnaa jaakada lagu yaqaan Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo Labtop u dhiibaya ruux kale ee is qarxiyay, kaasi oo Labtop-ka Qaraxa mootiyay halka lagu baaro alaabta musaafirka.

Hoos ka daawo Video-ga ay soo bandhigtay hay’adda nabad sugidda

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com