Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhawaan si qarsoodi ah ku magacaabay Danjirayaal dowlada Somalia u fadhin doona ilaa Seddex dal oo ahmiyad gaara u leh Somalia.
Madaxweynaha ayaa Seddexdaasi Safaaradood u magacaabay Danjirayaal saaxiib dhow la ah kuwaa oo lasoo shaqeeyay xiligii ololaha doorashada ee uu ku guuleystay Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaan magacaabida Danjirayaasha la wadaagin Warfidiyeenada ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka.
Danjirayaasha ilaa iyo hadda uu magacaabay Farmaajo ayaa kala ah:-
1-Abuukar Daahir Cusmaan ”Baalle” Waxa uu dowlada Federaalka ah ee Somalia u fadhin doonaa Xarunta Qaramada Midooba, waxa uuna muddo Seddex bil ah ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia.
Abuukar Daahir, ayaa sidoo kale hore usoo noqday Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xilligii uu Farmaajo ahaa Ra’iisal Wasaaraha dawladii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Waxaa isagana lagu tiriyaa saaaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.
2-Jaamac Cabdullahi Maxamed, Waxaa loo magacaabay Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga waxa uuna kamid yahay shaqsiyaadka ku cusub saaxada Siyaasada, isagoo soo muuqday wixii ka danbeeyay dhicitaanka dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.
Jaamac waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadka u dhabar adeegay ololihii uu kusoo baxay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna ku guul dareystay kamid noqoshada Xukuumadda Ra’isul wasaare Kheyre.
3-CabdiraxmaanYuusuf Cali Caynte, Waxaa loo magacaabay Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Britain, waxa uuna horay usoo noqday wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladii dhacday.
Ceynte waxaa lagu tiriyaa in uu yahay saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo waxaana xusid mudan inuu ahaa maamulaha guud ee Shirka Soomaalida uga furmay magaalada London.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi ay ku weyntahay qancinta iyo ku mashquulida shaqsiyaadka la garabtaagnaa Ololihii doorashada ee uu ku guuleystay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

