24.7 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Imisa Xildhibaan ayuu ka kooban yahay Baarlamaanka cusub ee Ahlusunna?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhisay Baarlamaan cusub oo ay yeelan doonto Ahlusuna.

Baarlamaanka Ahlusunna oo galabta lagu xulay magaalada Dhuusamareeb, ayaa ka kooban 65 Xubnood oo maamulka u matali doona Baarlamaanka cusub.

Xildhibaanada ka kooban 65, ayaa waxa ay Guddoomiye Baarlamaan u doorteen wadaad lagu magacaabo Shaacir Shiikhow Maxamed.

Baarlamaanka Ahlusunna ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay soo xuleen Odayaasha dhaqanka, waxaana sidoo kale, lagu wadaa in maalmaha soo socda Ahlusunna ay yeelato Gole Wasiiro.

Talaabadaani cusub oo ay ku dhaqaaqday Ahlusunna ayaa muujineysa inuu jiro isbedel dhanka maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News