Imran Khan oo lagu soo oogay kiis dacwadeed xasaasi ah

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa loo haystaa “argagaxin iyo cabsi-gelin ama handadaad” loo geystay askar booliis ah iyo haweeney xaakim ah oo ku sugnaa dibadbax maalintii Sabtida ka dhacay caasimadda Islamabad.

Mudaharaadkii kadib waxaa la diiwaan-galiyay kiis ka-dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf oo ah Khan, sida uu dhigayo qeybta 7aad ee Sharciga La-dagaalanka Argagixisada.

Laacibkii hore ee Kiriket-ka ee siyaasiga noqday, wuxuu sheegay in uu tallaab ka qaadi doono saraakiisha jirdilka u geystay Shahbaz Gill, oo ah kaaliyihiisii ugu dhow iyo madaxa shaqaalaha kaas oo hadda ku jira gacanta booliska. 

Shahbaz ayaa wajahaya eedeymo kacdoon abuurid ah iyo hadallo looga dan lahaa in la iskaga hor keeno militariga awoodda badan iyo shacabka Pakistan. 

Diiwaanka booliiska ayaa sheegay in hadalka Khan uu ula jeeday in lagu argagax-geliyo saraakiisha ugu sarreysa booliiska iyo garsoorka si aysan u gudan howlahooda shaqo islamarkaana ay ka caaganaadaan inay tallaab sharci ah ka qaadaan hoggaamiye kasta oo Xisbigiisa katirsan. 

Hadalka Khan ayaa sidoo kale dhaliyay in hey’adda u dooda warbaahinta dalkaasi ay mamnuucdo in muuqbaahiyaasha laga sii daayo hadalladiisa tooska ah. Go’aankan ayayna xisbigiisa sheegeen inay maxkamad la tiigsan doonaan hey’adda isku-tagga warbaahinta Pakistan. 

Axaddii shalay ahayd ayuu wasiirka arrimaha gudaha, Rana Sanaullah sheegay in dowladdu ay ka baaraan-dageyso xariga Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan. 

Khan ayaa abaabulay dibadbaxyo xiriir ah oo shacbiyad leh oo looga soo horjeedo dowladda tan iyo markii xukunka looga tuuray codka kalsoonida bishii April.

Isaga oo khudbad ka jeedinayay dibadbax ka dhacay magaalada Garrison ee gobalka Rawalpindi, dadka adeegsada baraha bulshada gudaha Pakistan ayaa  ka cawday cillad ku timid isticmaalka YouTube-ka, xilli si toos ah looga daawanayay khudbaddiisa. 

NetBlocks, oo ah hey’ad la socota bedqabka xawaaraha internet-ka, ayaana xaqiijisay ciladda jirtay.

“Xogta waxay muujinaysaa carqalad saamaysay qadadka qaar laakiin maaha dhammaan bixiyeyaasha internetka ee moobillada iyo khadka tooska ah ee Pakistan inta ay socotay khudbaddii tooska ahayd ee Imran Khan. Dib ayaana loo soo celiyay ka dib markii ay dhammaatay khudbadda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NetBlocks. 

Khan wuxuu ku eedeeyay dowladda inay si ku meel gaar ah u xayirtay YouTube-ka dalka, isagoo bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “Dowlad ‘la soo dhoofiyay’ ayaa bartamihii khudbadayda Youtube-ka ka saartay internet-ka.”  

Waxa uu ugu yeeray xayiraad ku meel gaar ah; ‘hooseysiin cusub’ iyo xadgudub weyn oo ka-dhan ah xorriyadda hadalka.

Afhayeen u hadlay Hey’adda Isgaarsiinta Pakistan, oo maamusha internetka, ayaan durbadiiba ka jawaabin su’aalo la xiriiray qadka oo ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay.