London (Caasimada Online) – Wiil dhallinyaro 18 jir ah oo la sheegay in uu noqday xagjir Islaami ah, kana soo jeeda gobolka Lancashire ee dalka Ingiriiska, ayaa qirtay inuu qorsheynayay weerar argagixiso oo hubaysan.
Muhammad Billal, oo 18 jir ah, kuna noolaa magaalada Nelson, ayaa la xiray bishii Febraayo 11-keedii, waxaana lagu soo oogay laba dacwadood oo ah diyaarinta falal argagixiso, kuwaas oo la xiriira qorshe weerar hubaysan oo lagu eedeeyay iyo safar uu ku tagayay Soomaaliya.
Eedeysanaha ayaa sidoo kale lagu soo oogay afar dacwadood oo ah ururinta xog suurtogal ah in ay u faa’iido yeelato qof fal argagixiso geysanaya ama diyaarinaya, taas oo la xiriirtay haysashada joornaalada Rumiyah, oo ah majaladda warbaahinta internetka ee Daacish, intii u dhaxaysay bishii Abriil iyo Agoosto ee sannadkii hore.
Billal, oo aan uu u doodeynin qareen, ayaa qirtay dhammaan dacwadaha loo haystay intii lagu jiray dhageysi ka dhacay Maxkamadda Old Bailey maanta oo Jimce ah.
Maxkamadda ayaa la ogeysiiyay in qorsheynta weerarkiisa argagixiso ay ku lug lahayd cilmi baaris ku saabsan “goobaha rasaaseynta ee la heli karo” iyo iibsiga “qasnadaha” oo loogu talagalay in ay xabadaha ku jiraan intii u dhaxaysay Febraayo iyo Oktoobar ee sannadkii hore.
Waxa uu sidoo kale internetka ka sameeyay sahamin ku saabsan goobaha suurtogalka ah ee lagu weerari karo, wuxuuna isku dayay inuu si sharci darro ah ku iibsado qori.
Intaa ka dib, waxa uu tallaabooyin u qaaday sidii uu Soomaaliya ugu safri lahaa intii u dhaxaysay Oktoobar 7 iyo Nofeembar 20 ee sannadkii hore.
Waxa uu raadsaday talo iyo tilmaam ku saabsan sida looga baxo UK isagoo aan shaki gelin, waxa uu bedelay muuqaalkiisa, waxa uu ka tirtiray waxyaabo xagjir Islaami ah taleefankiisa gacanta, waxa uu iibsaday dhar, qalab iyo tikidho online ah.
Sidoo kale, waxa uu helay fiiso uu ku geli karo Itoobiya si uu ugu fududeeyo u gudubka Soomaaliya, sida maxkamadda lagu sheegay.
Eedeysanaha waxaa la siiyay fursad uu ku helo qareen u dooda, laakiin wuu diiday, isagoo sheegay inuu fursaddaas ka faa’iideysan doono marka xukunka lagu rido.
Garsoore Cheema-Grubb ayaa u sheegtay: “Waxaan kugu xukumi doonaa maxkamaddan marka la gaaro xilliga dayrta. Marka la eego da’daada, waxaan rabaa inaan amro warbixin ka hor xukunka si aan wax badan kaaga ogaado.”
Garsooraha sare ayaa sheegtay in warbixinta ay ku jiri doonaan faahfaahin ku saabsan sababta uu u galay falalkaas iyo qiimeynta khatarta uu eedeysanuhu keenayo.
Waxay Billal ku xirtay xabsi ilaa dhageysi kale oo ka dhacaya Old Bailey Oktoobar 17.

