UK (Caasimada online) Dowlada Ingiriiska ayaa qorsheynaysa inay abuurto hab cusub oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha Somalida dalkaasi ay usoo diri jireen dalkeena, kadib markii baqdin darteed loo joojiyay xiriirka Bankiga Barclays iyo xawaaladaha UK.
Arintaan ayaa lagu dhawaaqay maalmo ka dib markii bangiga Barclays uu joojiyay account xawaaladaha Soomaalida ay lacagaha kasopo diri jireen, waxaana badankood ay kasoo dirayeen dalkaasi.
Somalida ku nool kana shaqeysata dalkaasi ayaa ku dhawaad 500 milyan oo Pound usoo diri jiray dalka Soomaali sanad kastaa kuwasi oo ay usoo dirayaan saaxiibadooda iyo qoysaskooda.
Dad badan oo Soomaali ah oo ku nool dalkaasi Uk ayaa ka walaacsan qaabka ay eheladooda ay lagacaha ugu soo diri doonaan, laakiin dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay qorshe sameyn doonto.
“Lacagaha aan dirto waxaa loo adeegsadaa cunto, waxbarasho, caafimaad, waxyaabaha aasaasiga ah, shacabka Soomaaliyeed aad ayay ugu baahan yihiin”sidaasi waxaa yiri Farxaan Xasan oo ka mid ah Somalida Uk.
Bangiga Barclays ayaa qorsheynaya 2 maalin kadib inuu xero account ay laheyd shirkadaha Dahabshiil oo ah shirkada Africa ugu weyn ee dhaqaale lagu kala gudbiyo.
Caasimada online
Xafiiska UK