London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin cusub oo ku wajahan muwaadiniinteeda, taasoo uga digeysa in ay u safraan 31 dal oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Latin America.
Dalalka digniinta laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah: Ruushka, Belarus, Ukraine, Afghanistan, Soomaaliya, Haiti, Yemen, Venezuela, Mali, Koonfurta Suudaan, Myanmar, Libya, Syria, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Waqooyiga Kuuriya, Pakistan, Ciraaq, Nigeria iyo Iran.
Digniintan ayaa salka ku haysa xaalado amni darro iyo sababo kale oo aan la shaacin, balse u muuqda kuwa siyaasadeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa qoraal rasmi ah ku sheegtay in muwaadiniinta dalkaasi laga doonayo in ay ka fogaadaan safarada ku wajahan dalalkan, si ay u ilaaliyaan badqabkooda.
Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada liiska ku jira ay yihiin kuwo awood iyo saameyn leh, sida Ruushka iyo Pakistan, taasoo keentay in dad badan is-weydiiyaan sababta rasmiga ah ee loogu daray wadamadan. Si kastaba, dowladda Ingiriiska faah-faahin dheeri ah kama bixin arrintaan.
Digniintan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Ingiriiska ku doonayso inay ku ilaaliso badqabka muwaadiniinteeda meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Xogtan ayaa sidoo kale lala wadaagay laamaha amniga iyo shirkadaha safarka.
Marar badan ayay dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka u diraan muwaadiniintooda digniino amni oo la xiriira safarada caalamiga ah, si looga hortago khataraha ka iman kara xasaradaha siyaasadeed, argagixisada, ama dagaallada ka aloosan dalalka ay booqanayaan.

