Intee le’eg tahay rajada doorasho ee Saciid Deni?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ku jira olole doorasho oo aan shaacsaneyn, oo uu ku doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Deni ayaa inkasta oo uusan weli si rasmi ah u shaacin damaciisa, haddana wuxuu qaadayaa tallaabooyin si cad u muujinaya inuu doonayo inuu la wareego kursiga uu hadda ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sababta Deni uusan weli ugu dhowaaqin musharaxnimadiisa madaxweyne, ayaa ah inay su’aal gelin karto dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo.

Si kastaba, Deni wuxuu wadaa dadaallo uu taageero ugu raadinayo ololihiisa doorasho, kuna xaqiijinayo soo saarista xildhibaan daacad u ah oo codka siiya.

Qorshaha Deni ayaa ah in inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay noqdaan kuwa isaga taageersan, maadaama doorashooyinkaas ay maamulayaan isaga iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe.

Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii ay doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo codad.

Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale, degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu uga soo bixin lahaa xildhibaano daacad u ah, oo uu gacantiisa kusoo saaro. 

Taageerada Jubaland iyo maamulkiisa ayaa Deni gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag.

Marka la isku geeyo, xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaa Puntland iyo Jubaland lagu dooranayaa in ka badan 100 xildhibaan, waxaana qorshaha Deni uu yahay inuu intooda badan gacanta ku dhigo.

Tani waxay Deni siin karta waddo fudud oo uu uga soo gudbo wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha oo ah kan ugu adag. Caadiyan waxaa wareegga koowaad looga gudbaa codadka 30 illaa 40 xildhibaan.

Haddii Deni uu kasoo gudbo wareegga koowaad, waxay kadib guushiisa ku xiran tahay cidda ay is-wajahayaan, waxaana doorashooyinkii hore laga bartay in mar kasta musharax cusub uu ka guuleysto kuwa xilalka soo qabtay ama markaas ku fadhiya.

Si kastaba, ololaha doorasho ee Deni ayaa caddeyn u ah in khilaafkii hareeyey doorashada Soomaaliya ee muddada dib u dhigay uu sabab u ahaa damac shakhsi.

Sidoo kale, waxay tani su’aal gelineysa in Deni uu maamuli karo doorashada xildhibaanada, maadaama uu yahay musharax.

Arrintan ayaa waxaa horey uga hadlay wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Jamaal ayaa sheegay in madaxeyne Deni uu dib u dhigay shaacinta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheenayo inuu faragelin ku sameeyo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Jamaal ayaa sidoo kale dalbaday in maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni uu faraha kala baxo dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta.

Hoos ka daawo warbixintan oo muuqaal ah.