Tehran (Caasimada Online) – Maamulka Iran ayaa qaaday tallaabo ciqaabeed ballaaran oo isugu jirta xukuno dil ah iyo xarig, kuwaas oo lagu beegsaday dad lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha sirdoonka Israa’iil. Ficilladan ayaa dhacay kaddib markii dagaal culus uu dhawaan dhexmaray labada dal.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in dadkan la tuhunsan yahay inay siiyeen Israa’iil xog muhiim ah oo gacan ka geysatay dilalka bartilmaameedsan ee lagu qaaday saraakiil sare intii uu socday dagaalka.
Tuhunka ayaa gaaray heer ay dowladda ku tilmaantay arrinta mid “xad-gudub ku ah madaxbannaanida amniga qaranka”.
Wararka laga helayo wakaaladda Tasnim, oo si dhow ula xiriirta Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa sheegaya in weerarradii Israa’iil ay saameeyeen shakhsiyaad muhiim ah oo ka shaqeynayay barnaamijka Nukliyeerka Iran, kuwaas oo ay ka mid yihiin lix saynisyahano nukliyeer ah.
Sidoo kale, saraakiisha Iran waxay sheegeen in hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ay si qarsoodi ah ugu dhex jirto dalka, iyagoo tilmaamay in ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa saynisyahannada iyo taliyeyaasha ciidamada.
Waxaa la sheegay in xubno ka tirsan Mossad ay ka qeyb-galeen shirar muhiim ah oo ka dhacay dalkaasi.
Dowladda Iran ayaa sidoo kale xustay in maalintii 12-aad ee dagaalka la daldalay saddex nin oo lagu eedeeyay basaasnimo u adeegta Israa’iil. Intaa waxaa dheer in boqolaal qof la xiray, kuwaasoo dhammaantood lagu haysto tuhun la xiriira sirdoon shisheeye.
Mas’uuliyiinta Tehran ayaa ku andacoonaya in dhammaan tallaabooyinkan ay yihiin kuwa looga golleeyahay ilaalinta amniga gudaha iyo ka hortagga faragelinta ajnabiga ah ee arrimaha gudaha dalka.