25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

IRAN oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta nukliyeerka kadib weerarkii Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa dib u bilowday howl-gelinta xarunta nukliyeerka Fardow, iyadoo sawirro dayax-gacmeed la qaaday maalin kahor ay muujinayaan in qalab iyo mishiino culus la geeyay xaruntaas.

Sawirradu waxay muujinayaan cagaf-cagafyo iyo wiishyo saaran waddo cusub oo dhowaan laga dhisay goobta, taasoo u dhow halka ay yaalleen bartilmaameedyadii Mareykanka u adeegsaday bambooyinka awoodda leh ee GBU-57. Waxaa sidoo kale muuqda gaadiid xamuul ah iyo qalab dhismo oo yaalla dhanka hoosteeda buurta.

Waxaa la arkayaa mashiino dhismo oo ku sugan albaabka laga galo xarunta, iyo dhismo burburay oo ku yaalla dhanka bari, kaasoo la sheegay in uu waxyeello ka soo gaaray duqeyn ay Israel fulisay maalin kadib weerarkii Mareykanka.

David Albright, oo ah khabiir ku takhasusay hubka nukliyeerka, ayaa falanqeeyay sawirrada la helay, wuxuuna sheegay in goobta ay ka socdaan howlaha buuxinta godadka iyo qiimeynta khasaaraha dhismaha soo gaaray.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarradaas lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo Iran u isticmaali jirtay horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka. Si kastaba, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), Rafael Grossi, ayaa sheegay in Iran ay awood u leedahay in ay dib u bilowdo kobcinta uranium-ka muddo dhowr bilood gudahood ah.

Wareysi uu siiyay warbaahinta CBS, Grossi wuxuu ku tilmaamay in qaar kamid ah xarumaha nukliyeerka Iran ay weli taagan yihiin, isla markaana Iiraan ay dib uga howl-gali karto si degdeg ah.

Dhanka Iran, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in weerarradu ay sababeen burbur halis ah, inkastoo faahfaahinta dhabta ah aan weli la shaacin. Dowladda Mareykanka ayaa dhinaceeda ku adkeysatay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu dib uga dhacay ugu yaraan toban sano.

Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay halka uu ku dambeeyay kaydka 408 kiiloogaraam ee Yuraaniyaam tayo sare leh ee lagu sheegay inuu ku jiray xarunta Fordow. Iran, warqad ay u dirtay IAEA isla maalintii ay Israel weerartay, waxay ku sheegtay inay qaaday tallaabooyin gaar ah oo lagu ilaaliyo walxahaasi.

Rafael Grossi ayaa sheegay in aan la ogeyn meelaha saxda ah ee ay walxahaasi ku yaallaan. “Qaar waa laga yaabaa in la burburiyay, qaarna waa suuragal in meel kale loo raray,” ayuu yiri Grossi.

Wuxuu intaas ku daray in Tehran ay diiday codsi uu u gudbiyay oo ku saabsanaa booqasho uu ku tagayo goobaha waxyeelladu gaartay, gaar ahaan Fordow, taasoo uu ku tilmaamay caqabad hor leh oo ku wajahan fahamka xaaladda dhabta ah.

Donald Trump dhankiisa wuxuu sheegay in xarumaha muhiimka ah la burburiyay, ayna adag tahay in Iran ay si fudud u dhaqaaqdo ama dib u howlgeliso walxaha nukliyeerka, maadaama aysan haysan waqti ku filan.

- Advertisement -

Read more

Local News