IRAN oo wacad ku martay jawaab culus haddii Mareykanka…

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa sheegtay “in aysan ka laba labeyn doonin” inay jawaabto haddii Mareykanka uu weerar kusoo qaado dhulkeeda kadib markii Aqalka Cad uu diiday inuu meesha ka saaro weerar lagu qaado Iran.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono inuu ka aarguto kooxaha Iran ay taageero ee ku sugan Iraq iyo Syria.

Mar la weydiiyey haddii Mareykanka uu meesha ka saarayo suurta-galnimada inuu toos u weeraro Iran, Sullivan ayaa u sheegay NBC “xikmad iima yeelaneyso inaan ka hadlo waxa aan xukmineyno iyo waxa aan meesha ka saareyno.”

“Haddii (Iran) ay doortaan inay si toos ah uga jawaabaan Maraykanka, waxay la kulmi doonaan jawaab degdeg ah oo xoog leh oo naga timaada,” ayuu yiri.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanani ayaa Isniintii yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay muujisay in ay mar walba si adag uga falcelineyso khatar kasta oo ku wajahan amnigeeda, madaxbannaanideeda dhuleed iyo qarannimadeeda.”

Iran “kama laba labayn doonto inay adeegsato awooddeeda” si ay uga jawaabto weerar kasta oo ka dhaca dalkeeda, ayuu yiri Kanani.
Waxa uu si kastaba ku celiyey in Iran “aysan dooneyn inay kasii darto xiisadda gobolka.”

Xiisadda gobolka ayaa aad u kacsaneyd tan iyo 7-di October markii Xamas ay weerar ku qaadeen Israel iyo dagaalkii xigay ee Gaza, ayada oo kadibna ay kooxaha Iran ku xiran ee Iraq, Syria, Yemen iyo Lebanon ay fuliyeen weeraro la xiriira dagaalkaas.

Militariga Mareykaka ayaa sheegay in Axaddii ay fuliyeen weerar duqeyn ah oo ka dhacay dalka Yemen.

Duqeymaha ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada Mareykanka iyo UK ay weeraro ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta ee Iran ay taageero ee Yemen — taasi oo ah weerarkii saddexaad ee ay la beegsadaan kooxda.

Weeraradan ayaa jawaab u ah weeraro ay Xuutiyiinta la beegsadeen maraakiibta mara Badda Cas, oo ay sheegeen inay uga jawaabayaan dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Militariga Mareykanka ayaa sidoo kale habeenkii Jimcaha weeraray bartilmaameedyo ku yaalla Syria iyo Iraq, ayaga oo uga aargudanaya weerar 28-kii Janaayo ay diyaarado drone ah ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Jordan oo lagu dilay saddex askari.

AFP + VOA