31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Warbixin: Isbaheysigii Barre Hiiraale oo is khilaafay hal arrina isku heysta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay isbaheysiga uu hogaamiyo Barre Aadan Shire ” Hiiraale” kadib markii ay isku qabteen cidda isbaheysigaasi u saxiixeysa warmurtiyeedka qodobada kasoo baxa shirka Muqdisho maalintii Afaraad ka soconaya.

Wakiil Barre Aadan Shire ee lagu magacaabo Cabdi Shire ayaa doonayay inuu dhanka isbaheysiga u saxiixo warmurtiyeedka hayeeshee waxaa arintaasi ka biyo diiday sida la sheegay Iftiin Xasan Baasto oo dhankii isaga doonaya inuu isaga dhanka is baheysiga wax u saxiiso.

Arintan ayaa la sheegayaa inay keentau muran iyo khilaaf hor lhe, waxaana xalka arintaasi ku howlan Cumar Buraale iyo Cabdi laabeey oo iyana is baheysiga qeyb ka ah.

Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu dhanka Maamulka KMG ah ee Jubba uu u sixiixo dowlada Soomaaliyana ay keensato qof dhankeeda u saxiixo qodobada shirka kasoo baxa .

Inkatoo wali dowlada Somalia aysan arintaan wali go’aan ka gaarin hadana waxay ku howlan tahay xalinta iyo ka hor taga xiisad mar kale khilaaf abuuri kata oo jubbooyinka iyo Gedo ku aadan .

Isbaheysiga uu wakiilka ka yahay Cornel Barre ayaa khilaafay go’aanka Axmed madoobe inkastoo dhexdooda iminka uu khilaaf kasoo cusboonaaday kaa oo ku aadan cida Isbaheysigaas u saxiixeysa Warmurtiyeedka shirka .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News