‘Isbeddel ka muuqda fikirkii Al-Shabaab kadib arrimo ay dhowaan ka hadleen’ + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatanna ah Madaxa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, Xuseen Macalin ayaa ka hadlay isbedel fikradeed oo ku yimid kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dhawaan bilaabeen inay ka hadlaan qoddobada ay dhibsadeen ee ku jira Dastuurka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in Shabaabka ay dib u soo nooleynayaan doodii dowladnimada ee la isku hayey, islamarkaana ay wax ka badalmeen xiriirkii ay la lahaayeen kooxihii kale ee xagjirka.

“Waxaa ugu yaraan laga fahmi karaa inay hadda rabaan in markale dadka ay maran-habaabiyaan oo doodii ay qabeen ka dhigaan wax sal iyo raad leh, dalkuna uu ku jiro xili kala guur ah,” ayuu yiri.

“Waxay isku aadinayaan dowlada hadda aad looga qalbi jabsan yahay ee sidii la rabay aan u wiiqin oo u dhameystirin, arrinta barigana waxay si weyn niyada ugu dhistay kooxihii xagjirka ahaa oo la dirirayey dowladihii haystay kalsoonidii shacabka, inay arrintaas ka faa’iideystaan waa xaaladaha kusoo aadiyey.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligaan ay Al-Shabaab rabto wada-hadal, hase yeeshe ay barnaamijyadaas ka leedahay baranbogaado iyo inay caqliga ka xadaan cid kasta oo ay maran-habaabin karaan.

“Wada-hadalka koox aad is haysaan nabada ayey soo dhaweysa, marka laga soo tago mab’da, waxaa aaminsanahay dowladaan Soomaaliyeed ee dadka shacabka ah siiyeen raali ahaanshaheeda, marka dowladda ay diyaar u tahay wada-hadaladaas oo awoodeeda ay leedahay la gali karaa.”

“Marka hore waa in dowlada ay is xoojiso oo midnimadeeda iyo is-fahamka gudaheeda ay xoojiso oo cudad millateri ay diyaarsato, kadib markaas Shabaab in miiska lala fariisto haddii ay ogol yihiin waa soo dhaweynayaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay wacyi-gelin ka dhan ah barnaamijyada maran habaabinta ee Al-Shabaab, ayna muhiim tahay in la dhiso ciidamo awood leh oo ka amar qaata Dastuurka oo shaqsiyaad gaar ah ka amar qaadan, si loo muquunin karo kooxaha xagjirka ah, xataa haddii ay dhacdo in lala galo wada-hadal.

Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin