Dowladda Soomaaliya oo sheegtay waxa u qorsheysan haddii ay Kenya nabad diido

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in marnaba aysan labada dal u wanaagsaneyn in xiriirkooda uu mad-madow soo galo, islamarkaana ay marnaba ka tanaasuli doonin arrinta badda.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Bilaal Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci doonto baddeeda, ayna marnaba midaasi kala xaajoon doonin dhigeeda Kenya.

“Waxaa aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal,” ayuu yiri Bilaal Cusmaan.

“Haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii ay diido dowladda Kenya in xiriirka labada dal u wanaagsanaado, kaasi oo dan u ah labada shacab ay Soomaaliya marnaba ka gor-gortami doonin difaaca baddeeda.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili ay dhawaan Maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ ay inta badan Soomaaliya u xukumisay kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyay Kenya, taasi oo ay ka biyo diiday xukuumadda Nairobi, oo ayadu dalbatay in wada xaajood lagu dhameeyo kiiska laga go’aan gaaray.