Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda dagaal ee Kaaraan iyo Taliye war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qeybta 27-aad ee Milateriga Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal dhawaan degmada Kaaraan la sheegay inuu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan qeybtaas.

Taliyaha ayaa beeniyay in ciidamo ka wada tirsan qeybta ay ku dagaalameen Kaaraan, ayaa sheegay in ciidamada ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada, islamarkaana ay gudaha caasimada ka abuurin qalalaase iyo dagaal.

“Waxaa u cadeynayaa (mas’uuliyiinta) in ciidamada qeybta 27-aad ay ku jiraan howl-galo, waxay baacsanayaan cadowga Al-Shabaab waxayna la dagaalamayaan argagixisada kale ee burcadka ah ee shacabka ku dhibaateeya waddooyinka, waxba kama jiraan waxa la sheegayo.”

“Ciidamo aan ka tirsaneyn qeybta 27-aad ayaa jira oo wata direyska ciidanka oo gaadiidkoodana ku buufsan yahay astaanta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo magaalada Xamar dhex orda, taasina waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xooga dalka aysan marnaba shaqo ku laheyn dagaalada soo noq-noqday ee ka dhaca caasimada, islamarkaana laga been abuurto.

Waxa uu maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in la kala saaro xuduudaha iyo deegaanada la isku haysto ee gobolka, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada qeybta 27-aad loo saariyo dagaalo aysan waxba ka ogeyn.

“Kaaraan iyo waxa ka socda qeybta 27-aad shaqo kuma laha, dadka aad ku tilmaameysan ciidamada xooga dalka ma aha, waxaa wadnaa shaqadii qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u haynay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax la hubsado oo aan sharciga loo soo dhaafin, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan maamulka uu sheegay in ciidamo ka wada tirsan millateriga ay ku dagaalameen degmada Kaaraan iyo agagaarkeeda, kuwaasi hore uga howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.