26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Isbeddel weyn oo September ku imanaya qaadashada baasaboor Soomaaliga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddelada lagu sameynayo qaadashada baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu sameynaya isbeddelkii ugu weynaa, kadib toddobaadyo isbeddelo dhowr ah lagu sameeyay hanaanka qaadashada baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah. Tan ayaa ka dhigan in qofka aan haysan kaarka aqoonsiga uusan qaadan karin baasaboorka.

Isbeddelkan weyn ee ku yimid hanaanka qaadashada baasaboorka ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan-galayaa 1-da September 2025, sida lagu iclaamiyay shir heer sare ah oo maanta ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka.

Sidoo kale, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahan yahay in ay safarkooda u haystaan kaarka aqoonsiga qaranka, laga bilaabo 1-da January 2026.

Shirkan oo diirada lagu saarayay sare u qaadista sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, Agaasimaha Guud ee hay’adda socdaalka, MustafeDhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, La-taliyayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:

  • Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka
  • Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
  • Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
  • Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
  • Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood

Go’aannada lagu gaaray shirka

  • 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
  • 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
  • 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚𝐚𝐬, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Si kastaba, labada hay’adood ayaa ku hawlan dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News