Isbeddelka dagaalka Al-Shabaab iyo kaalinta cusub ee Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Dajib Erdogan.

Labada madaxweyne ee labadaba dib loo soo doortay ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ugu muhiimsaneyd dagaalka Soomaaliya ay kula jirto kooxaha argagixisada.

Diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ee Turkiga ayaa si fiican uga qeyb qaatay in argagixisada laga saaro inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin wax door ah kuma laheyn dagaalada ka socda Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa in muddo ah raajicineysay in Turkiga si buuxda uga qeyb qaato dagaallada socda, gaar ahaan midka hadda yaalla Galgaduud iyo Mudug, taas oo la sheegay inay labada dhinac hore iskula fahmeen, kulanka Xasan iyo Erdogan uu taas xoojiyay.

Illo dowladeed ayaa laga soo xiganaya in gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya la geeyay halka ay ka bilaabaneyso masaafada ay diyaaradahan Turkida ka duqeyn karaan goobaha ay argagixisada kaga harsan tahay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto dagaalka, markaan wuxuu haystaa dhowr fursadood oo intii hore ka xoog badan. Waxaa kamid ah ciidan illaa 7 kun ah oo tababar uga yimid, fursadda labaad waa illaa 5 kun oo Macawiisley ah oo dowladda u billowday gunno, iyaduna ay hagi doonto howlgaladooda iyo midda saddexaad oo ah dib u qaabeynta ciidankii hore ugu jiray dagaalka.

Midda kale ee aadka muhiimka u ah waa kaalinta la isku raacay ee diyaaradaha Turkida ka qaadan doonaan dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli muujinaya rejo xoog badan oo ku saabsan in Soomaaliya uu ka dulqaadi doono argagixisada, inta lagu jiro muddo xileedkiisa.

Illaha dowladeed ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan dib loogu laaban doono dagaalka waxayna muujiyeen fursad aad uga xoog badan intii hore.

Turkiga waxay ku jiraan dalalka gacanta hagar la’aanta ah u fidiyay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarada ciidanka. Marka indho caalami ah lagu fiiriyana Turkiduna dhowr waddan oo dhibaatooyin ka jireen ayay xalkeedo ka qaateen kaalin aan hagrasho lahayn.

Waxaa jirta fikrad ah in haddii Turkida ay awood 100% galiyaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada inay sahli doonto in argagixisada deg deg looga adkaado.

Ciidanka Macaawilseyda ee dib ugu laabanaya dagaalka iyaduna waa fursad kale oo aan la dafiri karin tiiyo ay dadka Soomaalida ay weli muujinayaan in argagixisada laga adkaado, xilli la isla qirsan yahay fursadaha ugu dhex jira dadka iyo dalka in argagixisada laga adkaado.