Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee Beelaha Cali Saleebaan, oo ka mid ah tiirarka ugu miisaanka culus ee gobolka Bari, ayaa Sabtida maanta ah soo saaray war-saxaafadeed culus oo ay kaga dalbanayaan Xukuumadda Puntland inay si degdeg ah u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, xilli ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed.
War-saxaafadeed ay maanta ka soo saareen Garowe, beesha ayaa si cad u sheegtay inay taageero buuxda u hayaan midnimada, wadajirka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ka shaqeynta xasilloonida Puntland iyadoo lagu dhaqmayaayo dastuurka iyo nidaamka sharci ee jira.
Beesha Cali Saleebaan waxay si gaar ah diiradda u saartay muhiimadda ay leedahay in beelaha iyo bulshada Puntland ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala-qaybsanaan ama khilaaf gudaha ah, xilli gobolka uu wajahayo khatar amni oo joogto ah.
“Xaaladda hadda taagan waxay u baahan tahay midnimo iyo mas’uuliyad qaran, ma aha kala-qaybin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Buuraha Calmiskaad ayaa bilihii la soo dhaafay noqday mid xooggiisu kordhay, iyadoo ciidamada Puntland ay fuliyeen howlgallo isdaba-joog ah oo lagu beegsaday saldhigyo iyo marinno ay kooxdaasi ku lahayd dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa sheegaya in howlgalladu ay wiiqeen awoodda kooxdu ku lahayd deegaanka, inkastoo ay weli jirto khatar firfircoon.
War-saxaafadeedka ayaa beesha ku bogaadisay ciidamada Puntland iyo shacabka deegaanka kaalinta ay ka qaateen dagaalka, iyadoo lagu tilmaamay “dadaal qaran oo u baahan garab istaag joogto ah.”
Qodob muhiim ah oo beesha ay xoogga saartay ayaa ah in guusha amni aysan ku imaan karin awood militari oo keliya, balse ay u baahan tahay taageero bulsho, wada-jir siyaasadeed iyo kalsooni lagu qabo hay’adaha dowliga ah.
Beesha Cali Saleebaan waxay sheegtay inay ka go’an tahay in ay la shaqeyso Dowladda Puntland iyo hay’adaha sharciyeed si loo adkeeyo wada-noolaanshaha bulshada, loogana hortago isku day kasta oo lagu dhaawacayo nidaamka dowladnimo.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in Puntland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana horumarka iyo amniga gobolka uu ku xiran yahay wada-shaqeyn heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.
Beesha ayaa ku baaqday in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya Puntland, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta adeegyada bulshada, maadaama deegaanno badan ay saameeyeen abaar iyo barakac.
Qodob kale oo ay beesha si cad uga digtay ayaa ahaa in lagu mashquulo muran siyaasadeed ama is-qabqabsi bulsho xilli dagaal adag lagula jiro argagixiso. Waxay sheegeen in xaaladda noocaas ahi ay si toos ah u wiiqeyso dadaallada amni, isla markaana fursad u abuureyso kooxaha hubeysan.
“Waqtigan ma aha mid la isku khilaafayo. Waa waqti midnimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Gebogabadii, Beesha Cali Saleebaan waxay xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaallada wada-tashiga iyo doorka ay ku leedahay nabadda, iyadoo ballan-qaadday in ay garab istaag u noqon doonto tallaabo kasta oo lagu xoojinayo amniga, dowladnimada iyo wadajirka Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu iclaamiyey shir guud oo ay yeelan doonaan Beelaha Cali Saleebaan, kaas oo looga arrinsanayo aayaha beesha iyo xaaladda guud ee dalka.
Saxiixayaasha Bayaanka
Bayaankan waxaa si wadajir ah u saxiixay:
- Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacii
- Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar Ismaaciil
- Suldaan Mursal Muuse Koonte
- Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi Bilcil
Warkan ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda gudaha ee Puntland maalmaha soo socda, iyadoo indhaha lagu hayo jawaabta ay bixin doonto Madaxtooyada Puntland.


