Iska caabinta ‘faro-gelinta’ KENYA maxaa xigi doona?

Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka dib markii Mudane Maxamed Cusmaan oo ka qaybgelay kulanka uu weydiiyay madaxweynaha sida uu ula dhaqmi doono dowladda Kenya haddii ay soo faraggeliso doorashada Soomaaliya (Machadka Raas Septembar 26, 2020).

Dowladda Soomaaliya ayaa Novembar 29, 2020 amartay in safiirka Kenya uu wadatashi u tago dalkiisa, kaddib markii ay ku eedaysay xukuumadda Kenya inay faraggelin ku samaysay heshiiskii doorashooyinka federalka ee ka dhici lahaa Jubbaland. Soomaaliya, waxay sidoo kale watashashi ugu yeeratay safiirkeedi u fadhiyay dalka Kenya.

Go’aanka dowladda Soomaaliya waxuu yimid maalin uun kaddib markii madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka soo laabtay Nairobi – Kenya uu shuruud uga dhigay doorashada Jubbaland in ciidamada Federaalka Soomaaliya laga saaro gobolka Gedo!

Waxaa xigtay in warmurtiyeed ka soo baxay madal ay ku kulmeen qaar ka mid ah musharixiinta “madaxweyne-doonka” ah, ay ku eedeyaan xukuumadda inay siyaasadda arrimaha dibadda u adeegsanayso olole doorasho, isla-markaasna ay abuurayso nacayb iyo cadaawad dhexmarta Soomaaliya iyo Kenya.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah nacaybka iyo cadaawadda ma waxaa abuuraya Soomaaliya mise Kenya?

Duullaankii lama filaanka ahaa ee ay ciidamada Kenya ku soo galeen gudaha Soomaaliya Oktoober 15, 2011 ayaa qiil looga dhigay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Balse diblomaasiyiinta ku  xeeldheer arrimaha Bariga Afrika ayaa rumaysnaa inay jireen qorshayaal kale oo ay Kenya ka leedahay gelitaanka ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.

“Haddii cadaw ku soo weeraro, waa inaad daba-gashaa cadawgaas raadkiisa, waana inaad garaacdo meel walba oo cadowgaas uu joogo” sidaas waxaa yiri Yuusuf Xaaji oo ahaa Wasiirkii Difaaca Kenya.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sheegay in duullaanka Kenya uu hoos-u-dhigay kalsoonidii ka dhaxaysay labada dal ee labaatankii sanadood ee ugu danbaysay, waxuuna ku tilmaamay ficillada Kenya “kuwo aan wanaagsanayn” (CNN October 25, 2011).

Dhanka kale, Wasiirkii Arimaha Dibedda Soomaaliya Marwo Fawsiyo Xaaji Aadan oo islamarkaas ahayd Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha xilligii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa warqad cabasho ah u dirtay Midowga Afrika. Wasiiradda ayaa ku eedeynaysa ciidamada Kenya oo qeybta ka ah ciidamada AMISOM, in aysan ahayn nabad ilaaliyeyaal dhexdhexaad ah. Waxaa warqadda lagu xusay in Ciidanka Difaaca Kenya ay tageereen hal garab oo Soomaali ah oo ka dhan ah kuwo kale, ayna xireen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, waxayna hub culus u adeegsadeen goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah (BBC July 04, 2013).

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay xaqiijisay caddaymaha shan weerar oo ay ciidamada Kenya ku burburiyeen xarumaha isgaarsiinta Shirkadda Hurmuud ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, iyo hal weerar ay ciidanka Kenya ku dileen ugu yaraan labo ruux oo rayid ah (AP November 15, 2019).

Kenya waxay gabbaad siisay baxsadka Cabdirashiid Janan oo loo haysto dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Hay’adda Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka codsatay inay soo xirto Cabdirashiid Janan, ayna gacanta u geliso dowladda Soomaaliya ( amnesty.org February 03 2020).

Dowladda Kenya waxay dhegaha ka furaysatay dalabka Soomaaliya, iyo kan Amnesty International, waxayna hubaysay maliishiyo ka amar-qaata Cabdirashiid Janan, kuwaas oo weerar ku soo qaadeen dhowr jeer Ciidanka Federaalka oo ku sugan gobolka Gedo xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan, in marar badan ay ciidamada Kenya ku dileen gudaha Soomaaliya dad raacato ah, ayna diyaaradaha dagaalka Kenya beegsadaan dadka iyo xoolahooda. Waxay sidoo kale, dhowr jeer gudaha Soomaaliya ka afduubteen dadweyne xoolo-dhaqto ah iyo oday dhaqamaydyo. Waxaana ugu dambaysay afduub ay ciidamada Kenya u geysteen afar qof oo ay ka qafaasheen deegaanka Daarusalaam ee degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. (goobjoog September 27, 2020).

Warbixin ay soo saareen kormeerayaasha Qaramada Midoobay (UN monitores) ayaa ku eedeysay ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM in ay fududeeyaan dhoofinta dhuxusha sharci darrada ee laga dhoofiyo dekeda Kismaayo, ganacsigaas oo malaayiin doolar uga soo xarooda sanadkii xagjiriinta Alshabaab (Reuters July 14, 2013)

Kenya oo ku xumeynaysa mowqifka dowladda federaalka ayaa taageertay doorashaddii uu hareeyay khilaafka iyo musuqa ee uu abaabulay Mudane Axmed Madoobe, taasoo uu muran weyn ka taagnaa ansixnimada hannaanka loo maray. Natiijada doorashada oo si weyn u kala qeybisay shacabka ku dhaqan Jubbaland.

Guddoomiyihii Xisbiga Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, Senator Yuusuf Xaaji iyo sirdoonka Kenya oo aan haysannin ogolaansha dal ku galka Soomaaliya ayaa si sharci darro ah uga soo degay garoorka diyaaradaha Kismaayo, kana qaybgalay xafladii caleemasaarka Mudane Axmed Madoobe. Nasiibdaro, waxaa xafladaas ku wehliyey xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya!

Kenya waxay sheeganaysaa qayb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya. Waxay dooneysaa inay sohdin-badeedka ay la wadaagto Soomaaliya dib u xariiqdo si ay u hantido aagga baaxaddiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, oo hodan ka ah khayraadka dabiiciga ah (kalluun iyo shidaal).

Mudane Faarax Macalin oo ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya ayaa tallaabada ay Soomaaliya hoos ugu dhigtay xiriirka Kenya ku tilmaamay inaysan la yaab ku noqon balse lala soo “daahay” waxuu qiray in Kenya faraggelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana uu yiri “Inay Soomaaliya maanta go’aan gaarto oo ay tiri yeysan nasoo faraggellin Kenya ma’ahan wax la yaab leh, oo wax waddan kasta samayn lahaa” (VOA December 01, 2020).

Indheergarad badan ayaa u arka tallaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadday dowladda Kenya mid ay digniin ugu dirayso qaar ka mid ah shisheeyaha dhaqanka ka dhigtay faraggelinta dalka. Waxaana suurto-gal ah, in haddii ay Kenya dib uga joogsan ficiladeeda foosha xun, ay xukuumadda Soomaaliya geyso Barlamaanka qaraar dhan ka ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah ciidamadda AMISOM, ayna xukuumadda ka dalbato Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay la baxaan ciidanka Kenya.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid