Iska hor-imaad xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu ka socdo iska hor-imaad xooggan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada booliska iyo milatariga uu ka socdo agagaarka isgoyska Maanaboolyo ee degmada Shibis.

Sida aan xogta ku helnay, iska hor-imaadka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada milatariga oo ka yimid gobolka Shabeellaha Dhexe loo diiday in ay maraan waddada.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay u sheegeen in lagu amray in aysan soo soo gudbin wax ciidan, islamarkaana aysan amar u heysan in ay sii daayaan, waxaana taasi ka biyadiiday ciidanka milatariga, ayada oo kadibna rasaas la isku billaabay.

Warar ka qaar ayaa sheegaya in uu gubanayo mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com