Isku fiiri 2-dan tiro: Lacagta AMISOM ku baxaysa 2012 iyo tan Ciidamada DF, kadibna fikirkaaga ka dhiibo.

Waxaa laga yaaabaa in mar walba aad maqasho in Ciidamada Dowladda Somalia aysan qaadan wax mushahar ah, marka ay qaataanna ay helaan lacag aad u yar oo aan u dhigmin naf hurnimo, ayada waddaniyadduu dhinaceedu tahay.

Sida aan ognahay mushaharka ciidanka DF waa 100 illaa 200 oo dollar bishii, ayada oo ay ku xiran tahay darajada askariga, hase yeeshee mararka qaar taas ayaaba wareer ka gasha.

Balse ka wraan ciidamada AMISOM ee jooga Somalia. Warbixin aan helnay oo gaar ah ayaa sheegeysa in sanadkan oo kaliya ciidanka Amisom ay ku baxayso lacag dhan 437 Milyan oo ah kaliya qalabka iyo agabka dagaal.

Lacagtaas 338 milyan oo ka mid ah wxaa bixiyay Mareykanka.

Askari kasta oo ka mid ah Amisom waxa uu mushahar ahaan u qaataa 1028 dollar bishii, waxaana lacagtaas bixiya Midowga Yurub. Waxaa taas dheer 500 oo dollar oo ay dowladdii soo dirtay bil kasta ku qaadato.

Askarigii ku dhintaa dagaalka waxa ay qoyskiisa magdhow ahaan u lee yihiin 100 kun oo dollar, halka ciidamada Soomaalida, kii dhintaa aanba la is warsan.

Lacagta 437 milyan ee dollar ah xitaa sanadkii masoo gasho Dowladda Somalia, oo lama siiyo.

Haddaba su’aasha ayaa ah maxay beesha caalamka u dooneyn inay dhisto ciidamada qaranka Soomaaliyeed, oo ay lacag badan ku bixiso, mase waxaan la dooneyn in Somalia ay isku filnaanto, oo weligeed ay na dul fadhiyaan Uganda, Burundi, Kenya iyo wixii la halmaala?

Maxay tahay sidoo kale sababta Dowladda Somalia iyo madaxdooda aysan uga hadlin arrintan oo aysan ugu sheegin beesha caalamka in Ugaandeeska aysan ka karaamo badneyn askariga Soomaaliga ah, mise dadkoodaba qiimo lama lahan?

Weli ma hayno ciddii arrinkan ka jawaabi lahayd, balse aqriste wad ku biirin kartaa fikirkaaga.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online.