KASHIFAAD: Deegaan ay AMISOM saartay xannibaad dhinaca biyaha ah oo dhibaato xoogan ay ka jirto.

Ciidamada Amisom ee taageeraya dowladda Somalia, ayaa caqabad ku noqday nolosha dad badan oo degan duleedka magaalada Muqdisho, sida ay dadkaasi ka cabanayaan.

Waxaa dadkaasi ka mid ah dadka degan deegaanka No.50 ee duleedka Xamar, oo sheegay inay wajahayaan biyo la’aan baahsan oo sababteeduna ay lee yihiin ciidamada Amisom.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Caasimada Online ka codsaday in cabashadooda la baahiyo, waxaana uu sheegay in ciidamada Amisom ee dhowaanahan howl gallada ka wdaay gobolka Shabeelada Hoose, ay ka hor taagan yihiin inay ka dhaansadaan ceelka kaliya ee deegaanka uu lee yahay.

“Waxaan qabnay hal ceel, halkii ceelna waxaa farriisin ka dhigtay ciidanka Amisom, markii dadku halkaas ay u biyo dhaansi doontaanna xabbad ayaa lagu soo ceyriyaa” ayuu Xaaji Xasan macow u sheegay Caasimada Online.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in taasi ay usii dheer tahay boobka iyo burcadnimada ay ciidamada Dowladda Somalia ku hayaan dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose Cabdullahi Muuse Abuukar, oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa difaacay ciidanka Amisom, waxaana uu sheegay in cashada dadka deegaanka ay tahay mid aan jirin.