25.7 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyey dalab yaab leh oo ay ka diideen Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u diiday codsi uga yimid Itoobiya oo ku saabsanaa helidda marin u gaar ah oo la xiriira dekedda Tadjourah, iyadoo adkeysay in ay si buuxda u ilaalinayso madax-bannaanideeda ku aaddan kaabayaasheeda istiraatiijiga ah, xilli tartanka dekeduhu uu cirka isku shareeray Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay u soo dirtay wafdi codsaday in la sameeyo marin toos ah oo ka yimaada xadka Itoobiya kuna dhammaada dekedda Tadjourah, isla markaana la siiyo oggolaansho ay saldhig ciidan badeed uga dhistaan halkaas.

Geelle ayaa tilmaamay in inkastoo Jabuuti horey diyaar ugu ahayd wada-hadallo la xiriira iskaashi dhaqaale iyo adeegsiga dekedaha, haddana dalabka Itoobiya uu si weyn uga baxay wixii laga wada hadlay, taasina keentay in la diido gebi ahaanba.

“Itoobiyaanku waxay noo soo direen wafdi soo jeediyay qorshe aanan aqbali karin: inay helaan marin leh xeerar ka baxsan kuwa dalka (extraterritoriality) oo u dhexeeya xadka Itoobiya iyo Tadjourah, iyo sidoo kale saldhig ciidan badeed oo ay halkaas ka dhistaan. Arrintaasi ma ahayn mid aan horey u oggolaannay, sidaas darteedna waa la xiray,” ayuu Geelle u sheegay wargeyska Jeune Afrique.

Itoobiya oo aan lahayn marin badeed ayaa muddooyinkii dambe si firfircoon u raadineysay in ay si toos ah ugu xirmato badda. Sannadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa jeediyay hadallo tilmaamayay baahida uu dalkiisu u qabo marin badeed, taasoo walaac badan ku dhalisay dalalka deriska la ah.

Hase yeeshee, Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in xaaladdu ay degtay wixii ka dambeeyay, taasoo uu ku sababeeyay doorka togan ee ay ku lahayd dowladda Turkiga oo dhexdhexaadin u sameysay labada dhinac.

Geelle wuxuu xusay in Itoobiya ay horey u haysato dekedo dhowr ah oo gobolka ku yaalla, oo ay si xor ah u isticmaasho, kuwaasoo ay ka mid yihiin Jabuuti, Berbera (Somaliland), Casseer (Eritrea) iyo Muqdisho (Soomaaliya), iyada oo aan u baahnayn in ay la wareegto maamulka dekedahaas.

“Waxaan aaminsanahay in Abiy Axmed uu hadda fahmay in sheegashadan aysan noqon karin mid lagu saleeyo loollan awood. Itoobiya waxay adeegsan kartaa dekedaha Casseer, Jabuuti, Berbera ama Muqdisho iyada oo aan dhaawaceynin madax-bannaanida deriskeeda,” ayuu yiri Geelle.

“Dhexdhexaadintii ay Turkigu sameeyeen waxay door wanaagsan ka ciyaartay arrintan. Anaguna waxaan si cad ugu sheegnay Addis Ababa in Jabuuti aysan ahayn Crimea.”

Go’aanka Jabuuti wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa siyaasaddeeda guud ee ah inay si adag isaga caabiso faragelinta shisheeye. Sannadkii 2018, Jabuuti waxay burisay heshiis istiraatiiji ah oo ay la gashay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, kaasoo ku saabsanaa dekedda Doraleh, iyadoo sheegtay in heshiiskaasi aanu dantooda u adeegayn.

In kasta oo maxkamado caalami ah ay go’aamiyeen in Jabuuti ay bixiso $385 milyan (Sh49.7 bilyan) sababo la xiriira jebinta qandaraaska, haddana Jabuuti way diiday inay dib uga laabato go’aankeeda.

Madaxweyne Geelle ayaa si kulul u dhaleeceeyay shirkadda DP World, isagoo ku eedeeyay in ay isku daydo inay si xoog ah ku gasho dalal kale, taasoo sababa xasillooni darro gobolka ka dhex dilaacda.

“Waxaan gabi ahaanba diidnay amarro sharci-darro ah oo kaga yimid DP World, mana jirto wax qorshe ah oo aan ku aqbalayno. Anigu waxaan aaminsanahay — waana aragti aanan kaligey qabin — in siyaasaddooda guud ay si ba’an u wiiqeyso xasilloonida guud ee gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

- Advertisement -

Read more

Local News