Ismaaciil Daahir oo shaaca ka qaaday ‘xubno NISA ugu jira’ guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Risaala ayaa soo hadal qaaday dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka, wuxuuna sheegay in guddiyadaas aanay aheyn kuwa maslaxad u ah dalka iyo marxaladda lagu jiro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda nabad sugida.

Tirada xubnahaasi ayuu sheegay inay gaarayaan illaa shan qof oo uu shaaciyey inuu u leeyahay aqoon gaar ah.

“Illaa shan qof oo aan aqaano ayaa ku jira guddiga heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir Cusmaan.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal la helo, ka hor doorashada, si dalka uusan u gelin qal-qal siyaasadeed.

Ugu dambeyn wuxuu tusaale u soo qaatay hadalkii ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ee ahaa in doorashada lagu kala bixin doono wareega koowaad, wuxuuna Ismaaciil Daahir sheegay in hadalkaasi uu caddeyn u yahay in la boobayo doorashada.