Ismaaciil Daahir oo shaaca ka qaaday ujeed laga lahaa weerarkii hoteel XAYAAT

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee ay todobaadkan Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat.

Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Al-Shabaab ee weerarkaas uu ahaa in lagu fashiliyo dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dareemeen in ay jirto habacsanaan amni, isla-markaana ay qorsheeyeen weerarkan oo noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee ay fuliso kooxda.

“Weerarkan ay horta Al-Shabaab ku soo qaadeen hoteel Xayaat ujeedooyin badan ayey ka lahaayeen taas oo ay ugu horreyso dowladdii dhalatay bishiiMay 15-keedii oo aan weli 100 maalmood gaarin inay ku fashiliyaan dowladdii oo ma aragtay shaqo bilaabin. Midda labaad waxay heleen fursad ah in ay jirtay habacsanaan dhinaca amniga ah, waxaana aad looga gaabiyey dhinaca xooraanka, haddii lala socon lahaa xooraankooda, waxaan aaminsanahay in laga hortegi lahaa weerarka Al-Shabaab,” ayuu yiri Mudane Ismaaciil Daahir Cismaan.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sidoo kale xusay in xubnaha weerarka fuliyey ay haysteen nashqad guud oo hoteelka ah, taas oo keentay inay saacado haystaan dhismaha hoteelka.

“Waxay ahaayeen rag xirfad leh, isla-markaana haystay nashqad guud oo hoteelka ah, ogaana meelaha ay gabaadka ka dhigan karaan ama ka dagaalami karaan saacado badan, marka taatikadoodii ayey bedeleen,” ayuu markale yiri Taliye ku xigeenkii hore ee NISA

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda federalka Soomaaliya looga baahan yahay in la timaado farsamo ka duwan qaabkii ay u wajahday maareynta weerarkii hoteel Xayaat.

“Waxaa loo baahayan dowladda federaalka iyo ciidamada amniga inay la yimaadaan taatikadii ay kaga hortegeen kooxda Al-Shabaab hoteelkas Xayaat mid ka duwan,”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo ay guul weyn kooxda Al-Shabaab ka sheegatay weerarkii hoteel Xayaat, kaasoo dhaliyey khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.