Israa’iil oo ku dhawaaqday qorshe lama filaan ah

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa Jimcihii ansixisay suurtagalnimada weerar lagu qaado magaalada Rafah ee Marinka Gaza, kaas oo halis ku ah rajadii laga qabay in xabbad joojin ay dhacdo, iyadoo la qorsheynayo inay wafdi kale u dirto Qatar si ay wadahadallo ugala hadlaan suurtagalnimada in la gaaro heshiis lagu soo deynayo dadka u afduuban Xamaas.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay oggolaadeen qorshe lagu weerarayo magaalada, oo ku taal cidhifka dhulka koonfureed ee dhulka la burburiyay ee Falastiin, halkaas oo in ka badan kala badh 2.3 milyan oo qof oo ku nool ay gabaad ka dhiganayaan shan bilood oo dagaal ah.

Xulafada caalamka iyo kuwa dhaleeceeya ayaa ku booriyay Netanyahu inuu joojiyo weerarka Rafah, iyagoo ka baqaya in dad badan oo rayid ah ay waxyeelo soo gaarto. Balse Israa’iil ayaa sheegtay inay ka mid tahay goobihii ugu dambeeyay ee ay ku xooggan yihiin Xamaas oo ay ballan-qaadday in ay baabi’in doonto, dadka degganna laga saari doono.

Washington, afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uusan arag qorshaha Rafah, balse uu jeclaan lahaa.

Xamaas ayaa u soo bandhigtay hindise xabbad-joojin ah oo Qaza ah dhexdhexaadiyeyaasha iyo Maraykanka, taas oo ay ku jirto sii deynta la haystayaasha Israel, si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta, kuwaas oo 100 ka mid ah ay ku jiraan xabsi daa’im, sida ku cad soo jeedinta Xamaas oo ay aragtay Reuters.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Netanyahu oo ku saabsan qorshaha weerarka Rafah ayaa lagu sheegay in dalabaadka Xamaas ee ku aaddan sii deynta la haystayaasha ay yihiin kuwo aan dhab ahayn, balse wafdiga Israa’iil ayaa tagi doona magaalada Doxa, marka golaha ammaanka ee xukuumadda Israa’iil ay ka hadlaan mowqifkooda.

Reuters + VOA