26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Israa’iil oo la ogaaday in ay qarisay khasaaraha dagaalkii Iran – Maxaa hada soo baxay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iyadoo uu haatan dhammaaday dagaalkii, ayaa warbixinnada warbaahintu waxay billaabeen inay daaha ka rogaan baaxadda khasaaraha ka dhashay gantaalladii ay Iiraan ku garaacday Israel intii uu socday dagaalkii bishii hore.

Raiisel Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay “guul taariikhi ah” kaddib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu iclaamiyay xabbad-joojin 23-kii Juun. Wuxuu ku tilmaamay weerarradii furitaanka inay ahaayeen guul weyn, isagoo ballanqaaday in Israel aysan “ka daali doonin” inay ka hortagto khatar kasta oo soo cusboonaata.

Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu wuxuu sidoo kale qiray in Israel uu soo gaaray khasaare culus. Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa warbixin ku sheegtay in 29 qof ay ku dhinteen 3,238 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood ay xaaladdoodu halis tahay, taasoo ka dhalatay weerarrada Iiraan.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababay burbur ballaaran oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha, hantida, iyo dhismayaasha guud ahaan dalka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku qiyaastay kharashka guud ee dagaalka ku baxay 10 bilyan oo shekel ($3 bilyan).

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee TheMarker, khasaaraha tooska ah ee ka dhashay weerarrada gantaallaha Iiraan ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa saddex ilaa shan bilyan oo shekel ($900 milyan ilaa $1.5 bilyan), iyadoo khasaaraha dadban la saadaalinayo inuu la mid noqon doono tiradaas.

Xog ay daabacday Maariv ayaa muujisay in in ka badan 1,000 dhisme ay waxyeelloobeen ama ay burbureen, kuwaasoo u badnaa magaalooyinka bartamaha ku yaal sida Ramat Gan, Tel Aviv, Ness Ziona, iyo Bat Yam. Burbur dheeri ah ayaa sidoo kale laga soo sheegay magaalooyinka Beersheba iyo Haifa, oo ah magaalooyinka ugu waaweyn koonfurta iyo waqooyiga Israel.

Hay’adda Canshuuraha Israel ayaa sheegtay in la gudbiyay in ka badan 46,000 oo codsi oo magdhow doon ah, kuwaasoo la xiriira khasaaraha soo gaaray guryaha, baabuurta, hantida, iyo qalabka. Sida laga soo xigtay The Times of Israel, qiyaastii 18,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda, iyadoo intooda badan dib-u-dejin loogu sameeyay hoteello ay dowladda kharashkeeda bixinayso.

Inta badan muddadii 12-ka maalmood ee uu socday dagaalka, waxaa shaqada loo oggolaa oo kaliya shaqaalaha muhiimka ah, kaddib markii wasiirka difaaca, Israel Katz, uu ku soo rogay xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah.

Khasaaraha dhaqaale wuxuu ahaa mid aad u weyn. Ururka Warshadleyda, oo ay soo xigatay majaladda Yedioth Ahronoth, ayaa ku qiyaasay in xirnaanshaha dhaqaalaha uu dalka ku kacayay qiyaastii 1.5 bilyan oo shekel maalintii ($450 milyan).

Goobo muhiim ah ayaa sidoo kale la beegsaday, oo ay ka mid yihiin Machadka Sayniska ee Weizmann (Weizmann Institute) oo ku yaal Rehovot, warshadihii sifaynta shidaalka ee Bazan (Bazan’s oil refineries) ee Haifa, iyo Isbitaalka Soroka (Soroka Hospital) ee Beersheba. Khasaaraha tooska ah ee goobahan oo kaliya soo gaaray ayaa lagu qiyaasay inuu ka badan yahay 3 bilyan oo shekel ($900 milyan).

Wargeyska TheMarker ayaa sheegay in burburka soo gaaray Machadka Weizmann uu ahaa mid aad u daran. “Qiyaasta hordhaca ah waxay khasaaraha tooska ah ee dhismayaasha iyo qalabka ku sheegaysaa 1.5 ilaa 2 bilyan oo shekel ($450 ilaa $600 milyan), laakiin khasaaraha muddada dheer ee dhinaca sayniska iyo dhaqaalaha ayaa intaas ka badan, oo qaarkood aan la qiyaasi karin,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Khasaaraha la faafreebay

Hase yeeshee, ma aha dhammaan burburka soo gaaray Israel intii uu socday dagaalka mid la baahiyay. Faafreebaha militariga Israel ayaa hor istaagaya in la daabaco saameynta gantaallada Iiraan ay ku yeesheen kaabayaasha militariga.

Wargeyska The Telegraph ayaa toddobaadkan sheegay in “gantaallada Iiraan ay u muuqdaan inay si toos ah u waxyeeleeyeen shan xarumo militari oo Israel leedahay,” kuwaasoo ku yaalla waqooyiga, koonfurta iyo bartamaha Israel.

Warbaahinta Israel ee Walla ayaa Arbacadii sheegtay in xafiiska Netanyahu ee ku yaal saldhigga militariga ee Kirya ee Tel Aviv aan la isticmaali karin muddo gaaraysa afar bilood, sababo la xiriira dib-u-habeyn ballaaran oo lagu samaynayo. Xarunta Kirya, oo ah taliska dhexe ee militariga Israel, waxay hoy u tahay taliska ugu sarreeya ee ciidanka iyo xafiisyada muhiimka ah ee difaaca. Waxaa la faarujiyay kaddib markii gantaallo Iiraan ay ku dhufteen dhismaha bishii hore.

Toddobaadkii la soo dhaafay, saxafiga garabka bidix ee Raviv Drucker ayaa dhaleeceeyay faafreebka culus ee Israel ay saartay baaxadda dhabta ah ee weerarrada. “Qaar badan oo ka mid ah duqeymaha Iiraan lama soo tabin,” ayuu yiri, isagoo xusay in Iiraan ay ku guuleysatay inay beegsato saldhigyo militari oo dhowr ah iyo bartilmaameedyo istiraatiiji ah.

Sida uu sheegay Drucker, faafreebayaasha militariga ayaa hor istaagay in la shaaciyo goobaha gaarka ah ee la beegsaday, iyagoo ku andacoonaya inay taasi ka caawin karto Iiraan inay sii hagaajiso saxnaanta gantaallaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu su’aal geliyay sababayntaasi, isagoo tilmaamay in ujeeddada dhabta ahi ay tahay in la maareeyo niyadda shacabka iyo in la xakameeyo sheekada la baahinayo. “Way adag tahay inaan laga shakin in sababta dhabta ahi ay asal ahaan tahay mid u eg tan Iiraan: borobagaando iyo dhowrista niyadda shacabka. Runtu waxay tahay, annagana waa nala cabsi geliyay,” ayuu yiri.

Ilo wareed ka tirsan wasaaradaha dowladda ayaa u sheegay The Times of Israel inuu ku qiyaasayo in kharashka militariga ee dagaalka uu gaarayo in ka badan 20 bilyan oo shekel ($5.6 bilyan). Tiradan ayaa la sheegay inay ku jiraan kharashka rasaasta, shidaalka diyaaradaha, howl-gelinta hababka difaaca ee Israel, iyo abaabulka ballaaran ee ciidamada keydka ee weerarrada lagu qaaday guud ahaan Iiraan.

Intaa waxaa dheer, wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in Mareykanku uu riday ilaa 36 gantaal oo nooca THAAD ah si uu u taageero difaaca hawada ee Israel. Gantaal kasta waxaa lagu qiyaasaa inuu ku kacayo $12 milyan.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News