30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Israa’iil oo la ogaaday inay ka dambeysay qaar ka mid ah weeraradii dalalka Khaliijka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay fulisay qaar ka mid ah duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lala beegsaday xarumaha tamarta iyo goobaha rayidka ee Gacanka Carbeed.

Mas’uuliyiintan ayaa weeraradaas ku tilmaamay qorshe si taxaddar leh loo agaasimay oo ujeeddadiisu tahay in lagu abuuro caro goboleed, dalalka Carabta-na lagu soo jiido dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Tehran.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo la hadlay wargeyska Middle East Eye ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay ka dambeysay dhowr weerar oo diyaaradaha is-miidaamiya ah oo lagu qaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuna sidoo kale sheegay inay mas’uul ka ahaayeen ugu yaraan mid ka mid ah weeraradii lagu qaaday dalka Cumaan. Sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa si cad u sheegay in qaar ka mid ah weeraradaas aysan fulin Iiraan.

In kasta oo sarkaalku uu diiday inuu carabaabo weerarada gaarka ah ee ay Israa’iil qaadday, haddana Sacuudi Carabiya ayaa ugu yaraan shan jeer lagu garaacay diyaarado Drones ah iyo gantaallo, iyadoo goobaha la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin Saldhigga Cirka ee Prince Sultan, warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, iyo safaaradda Mareykanka ee Riyaad.

Sidoo kale, Dekedda Duqm ee dalka Cumaan, oo ah xarun weyn oo ay Ciidamada Badda Mareykanku si joogto ah u isticmaalayeen tan iyo sanadkii 2019, ayaa la beegsaday labo jeer.

Sarkaalka Iiraaniga ah ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo haddii kooxo wakiilo ka ah Iiraan ay ku lug lahaayeen weerarada, balse ilaa iyo maalintii Arbacada, kooxaha Shiicada Ciraaq ayaan fulin wax weeraro ah oo ka gudbaya xuduudaha, iyagoo jawaabtooda ku koobay oo kaliya bartilmaameedyada Mareykanka ee gudaha Ciraaq.

Dhanka kale, Iiraan ayaa bartilmaameedsanaysay danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe tan iyo maalintii Sabtida, taas oo ah aargoosi ka dhan ah weerar baaxad leh oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil oo sababay geerida Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, Aayatulaahi Cali Khamenei.

Wejigii koowaad ee weerarada ayaa diiradda lagu saaray xarumaha milateri ee Mareykanka, balse dalalka Khaliijka ayaa soo sheegay in Iiraan ay markii dambe ballaarisay bartilmaameedyadeeda, iyadoo weerartay kaabayaasha rayidka sida hoteelada, garoomada diyaaradaha, iyo xarumaha tamarta. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa fagaaraha ka beeniyay inay beegsadeen xarumaha tamarta ee Khaliijka.

Dagaalkan oo galay maalintiisii lixaas ayaa si ba’an u dhaawacay awooddii ay Sacuudiga iyo Qatar u lahaayeen dhoofinta shidaalka iyo gaaska, wuxuuna gabi ahaanba burburiyay sumcaddii magaalada Dubai ee ahayd in ay tahay meel ammaan u ah ajaanibta.

Laba ilo-wareed oo kale oo Iiraaniyiin ah ayaa sheegay in hay’adda sirdoonka dibadda ee Israa’iil (Mossad) ay fulisay qaar ka mid ah weerarada Drones-ka, iyagoo intaas ku daray in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ogaatay dhaqdhaqaaqa sirdoonka Israa’iil ee gudaha ciidda Iiraan.

Waxay sheegeen in mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan hawlgalo lagu baadi-goobayo bakhaarrada ay Mossad u adeegsato keydinta diyaaradaha Drones-ka, iyadoo Iiraan ay ka go’an tahay inay soo afjarto dhammaantood.

Mid ka mid ah xog-ogaalada ayaa xusay in aysan la yaab ku noqon doonin haddii bakhaarro iyo qolal hawlgal oo noocan ah ay ku yaallaan dalal kale oo gobolka ah, kuwaas oo Israa’iil ay u isticmaasho in ay kaga soo qaaddo weeraro ka dhan ah dalalka Khaliijka ee deriska la ah Iiraan.

Mossad ayaa lagu yaqaanaa in ay shabakad qoto dheer oo isugu jirta wakiilo, xog-bixiyeyaal, iyo saad ka dhisatay gudaha Iiraan, taas oo u sahashay in ay fuliso weeraro xiriir ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo aad u muhiim ah.

Weeraradii hore ee sirdoonkan ayaa waxaa ka mid ahaa khaarajinta saynisyahan sare oo Iiraani ah oo lagu dilay waddo cidla ah isagoo ku socdaalayay xawaare sare, iyadoo la adeegsaday qori darandoorri u dhaca oo laga hago meel fog; weeraro dhanka internet-ka ah oo lagu qaaday kombiyuutarrada maamula qaybaha muhiimka ah ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan; iyo xatooyada kayd xogeed oo ku saabsan dukumiintiyo nukliyeer ah.

Sarkaal kale oo Iiraani ah ayaa sheegay in Iiraan ay fariin cad u dirtay Sacuudiga, taas oo ay ugu caddaynayso in aysan ka dambayn weeraradii lagu qaaday xarunta Ras Tanura ee shirkadda Saudi Aramco, taas oo ah warshadda sifeynta shidaalka ee ugu weyn boqortooyada, ahna marin muhiim u ah dhoofinta saliidda ceyriin.

Sarkaalka ayaa intaas raaciyay in kani uu yahay isku day ay Israa’iil ku doonayso inay ku carqaladeyso nabadda gobolka iyo isbaheysiga dalalka deriska ah. Ilo-wareedyadan ayaa u hadlay si qarsoodi ah maadaama aan loo oggolayn in ay la hadlaan warbaahinta.

Qirashadan ayaa Iiraan u horseedi karta fadeexad weyn, hal sano un kadib markii mas’uuliyiinta Israa’iil ay baahiyeen muuqaallo muujinaya wakiilada Mossad oo gudaha Iiraan ku rakibaya gantaallo iyo diyaarado Drones ah oo is-qarxiya. Hase yeeshee, hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli caasimadaha Khaliijka Carabta ay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo kaga imanaya Mareykanka si ay ugu biiraan ololaha dagaalka ee ka dhanka ah Tehran.

Baaqyadan oo qaarkood ay hoggaaminayso Isutagga Imaaraadka Carabta oo ka dhex ololeynaysa lixda waddan ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), ayaa ku boorrinaya dalalka Carabta inay qaadaan tallaabooyin is-difaacid ah oo ka dhan ah Iiraan.

Intii uu socday kulan muuqaal ah oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee GCC maalintii Axadda, waxay sheegeen in ikhtiyaarka ah in laga jawaabo weerarada Iiraan si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka uu wali miiska saaran yahay.

Maalintii Arbacada, Madaxweynaha Iiraan Mascuud Pezeshkian ayaa isku dayay inuu dejiyo walaaca Khaliijka, isagoo sheegay in Tehran ay ixtiraamayso madax-bannaanida dalalka deriska ah balse ay kaliya isdifaacayso.

Wuxuu yiri in boqorrada iyo madaxda dalalka saaxiibada iyo deriska ah ay ogyihiin in Iiraan ay kala shaqeysay sidii diblomaasiyad looga baaqsan lahaa dagaal, balse gardarrada milateri ee Mareykanka iyo Sahyuuniyadda ay ka dhigtay mid aan haysan doorasho aan ka ahayn in ay is-difaacaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida dalalkaas, ayna aaminsan yihiin in amniga iyo xasilloonida gobolka lagu gaari karo oo kaliya dadaal wadajir ah oo ay sameeyaan dalalka gobolka.

Sida uu sheegay Seyed Emamian, oo ah bare-sare oo ka tirsan Jaamacadda Farsamada ee Tehran, marka la eego geeddi-socodka dheer iyo dhibta badan ee ay Iiraan iyo dalalka Khaliijku u mareen hagaajinta xiriirkooda diblomaasiyadeed, waxaa jirta suurtagalnimo weyn oo ah in Israa’iil ay ka dambeysay dhowr ka mid ah weerarada si ay u kordhiso qalalaasaha.

Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay u xusul-duubayso in weeraradan ay ku burburiso xiriirka laba geesoodka ah ee Iiraan ay la dhisatay dalalka Carabta ee Khaliijka.

Emamian ayaa sheegay in Iiraaniyiintu ay mar walba ku dhawaaqaan inay weerarayaan saldhigyada Mareykanka iyo Israa’iil, balse weerarada lagu qaaday xarumaha rayidka iyo kuwa aan Mareykanka ahayn ay yihiin kuwo ay fuliyeen Israa’iiliyiintu ama marmar dhif ah ay sababeen khaladaad farsamo.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay, dhowr mas’uul oo sarsare oo ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa si is-daba-joog ah ugu baaqay is-xakameyn, iyadoo mas’uuliyiinta Sacuudigu ay xulafadooda u sheegeen inay ka fogaadaan qaadashada tallaabo kasta oo kicin karta jawaab ka timaada Tehran ama wakiiladeeda, taas oo gobolka ku riixi karta dagaal baahsan.

Waxaa sidoo kale Sacuudi Carabiya gudaheeda kusii kordhaya codadka ugu baaqaya boqortooyada iyo ururka GCC in aan la sabaaxsan oo aan dagaalka lagu soo jiidin.

Cabdulcasiis Altuwaijri, oo ah siyaasi rug-caddaa ah oo u dhashay Sacuudiga, ahna xoghayaha guud ee Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Adduunka Islaamka, ayaa maalintii Talaadada sheegay in beegsiga is-daba-joogga ah ee lagu hayo xarumaha Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka isagoo la adeegsanayo Drones-ka uu abuurayo shaki badan oo dhaafsiisan Iiraan.

Wuxuu caddeeyay inuu si adag u rumeysan yahay in maamulka Sahyuuniyadda ee Israa’iil uu doonayo inuu dalalkan dagaalka kusoo jiido si uu u geysto burbur hor leh, u dhaawaco dhaqaalaha, uuna u wiiqo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qatar, Xamad bin Jaasim bin Jaber Al Thani, ayaa isna si is-daba-joog ah ugu boorriyay GCC in aysan ku dhicin dabin dagaal oo toos ah oo lala galo Iiraan.

Wuxuu horraantii toddobaadkan sheegay in ay jiraan awoodo doonaya in waddamada goluhu ay si toos ah ugu dhex milmaan dagaalka Iiraan, iyagoo og in isku-dhaca hadda u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah, iyo Iiraan, uu aakhirka dhammaan doono.

Wuxuu ka digay in isku-dhac toos ah oo dhexmara waddamada Khaliijka iyo Iiraan, haddii uu dhaco, uu dhiig-bax ku ridi doono kheyraadka labada dhinac, wuxuuna fursad siin doonaa awoodo badan si ay gobolka u maamulaan iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in ay caawinayaan si xiisadda looga baxo.

Wuxuu raaciyay in waddamada goluhu aysan lahayn doorasho aan ka ahayn in ay gacan midaysan ku wajahaan gardarro kasta oo ka dhan ah, iyagoo diidaya isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu qasbo ama lagu baado.

Sina Toosi, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Iiraaniyiinta Mareykanka, ayaa sheegay in Israa’iil ay muddo dheer raadinaysay inay dalalka Khaliijka si toos ah uga horkeento Iiraan, iyadoo si joogto ah ugu sawiraysa Tehran inay tahay khatarta ugu weyn ee gobolka.

Toosi ayaa sheegay in marka laga eego aragtidaas, xiisad kasta oo jilayaasha Khaliijka soo gelisa isku-dhac toos ah oo lala yeesho Iiraan ay u adeegi doonto danaha istaraatiijiyadeed ee Israa’iil, iyadoo dagaalka ka dhigaysa mid goboleed, Tehran-na go’doomin hor leh gelinaysa.

Wuxuu xusay in qaab-dhaqanka Iiraan ee ku wajahan dalalka Khaliijka sanadihii u dambeeyay uu guud ahaan ahaa mid si weyn loo miisaamay.

Toosi ayaa intaas ku daray in Tehran ay leedahay dhiirigelin ay cadaadis ugu saarto danaha Mareykanka ayna ku muujiso awoodeeda goboleed, balse ay sidoo kale maalgashi xooggan ku samaysay soo celinta xiriirkii ay la lahayd dalalka deriska ah ee Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in dagaal aan la xakameyn karin oo lala galo dalalka Khaliijka uu halis ku yahay inuu wiiqo guulahaas diblomaasiyadeed, uuna dagaalka u ballaariyo qaab dhaawac weyn u geysan kara Iiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News