25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Israel oo bilowday qorshe halis ah oo horseedi kara in laga guuro Marinka Gaza

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa marinka Gaza galisay kumannaan calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaas oo loo diray inay fuliyaan howl-gal gaar ah oo aan la xiriirin ammaanka, sida uu daabacay Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil.

Calooshood u shaqeystayaashan ayaa loo adeegsanayaa burburinta guryaha shacabka ee ku yaalla Gaza, iyagoo ka shaqeynaya qorshe si gaar ah loo agaasimay, isla markaana lagu rabo in meel aan lagu noolaan karin ka dhigaan Gaza.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in shaqada calooshood u shaqeystayaashan aysan ahayn mid ciidan, balse ay salka ku heyso ganacsi, iyadoo qandaraas lagu siiyay inay dumiyaan guryo. Mid kasta oo dhisme ah oo ay burburiyaan, waxay ka helayaan mid kasta lacag dhan $1,350, taasoo la micno ah in aanay wax dhaqaale ah heli doonin haddii aanay wax guri ah dumin.

Wargeyska wuxuu sheegay in nidaamkan uu isu rogay hab ganacsi oo dadka fulinaya ay ka helayaan faa’iido dhaqaale, halka dadkii lahaa guryaha la burburinayo ay la kulmayaan dhibaato weyn. Nidaamka noocan ah ayaa tilmaamay mid aan la xiriirin arrimo amni balse si ula kac ah loogu wajahayo burbur ballaaran oo dhulka Gaza ah.

Ujeeddada ugu weyn ee qorshahan waa in dadka reer Gaza laga tirtiro hantidooda iyo guryahooda, si ay u waayaan meel ay ku hoydaan. Tani waxay cadaadis ku keeni kartaa dadka shacabka ah si ay u qaxaan una faarujiyaan dhulkooda, iyadoo loo marayo burburin joogto ah.

Qorshahan ayaa iftiiminaya in Israa’iil aysan kaliya dagaal milatari ka wadin Gaza, balse sidoo kale ay ka shaqeynayso burburinta magaalada, taasoo ujeeddadeedu tahay in meesha laga saaro nolol kasta oo ka jirta Gaza. Qorshahani wuxuu qayb ka yahay xeelad fog oo shacabka lagu cadaadinayo si ay uga tagaan dhulkooda.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu fashilmay qorshe uu Mareykanku gadaal ka riixayay, kaasoo lagu doonayay in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, kadib markii ay ka caga jiideen dalal dhowr ah oo loo soo bandhigay inay qaabilaan dadka si qasaba looga rarayo dhulkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News