Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ku dilay suxufiyiin ka tirsan Telefishinka Aljazeera, kuwaas oo ay ku jireen wariyeyaal iyo muuqaal duubayaal, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo uu telefishinkaasi soo saaray.
Mid ka mid ah suxufiyiinta la dilay ayaa ahaa Anas Shariif, oo caan ku ahaa soo tebinta xaaladda magaalada Gaza, isaga oo marar badan gaarayay goobaha ay duqeymahu ka dhacaan.
Anas ayaa sidoo kale warbixinno ka soo tabin jiray xeryaha dadka barakacayaasha ah iyo meelaha kale ee ay Israa’iil si gaar ah u beegsato.
Dilkan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo Israa’iil ku bartilmaameedsato shaqaalaha warbaahinta ee gudbiya muuqaalka iyo xogta ku saabsan saameynta duullaanka iyo go’doominta lagu hayo shacabka Gaza.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa qirtay in dalkiisu ku dhibtooday dhinaca dagaalka warbaahinta, isagoo sheegay in Aljazeera ay si joogta ah u soo bandhigto khasaaraha iyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka reer Gaza.
Xukuumadda Netanyahu ayaa hore u qaaday tallaabooyin ka dhan ah Aljazeera, kuwaas oo ay ku jirto xiridda xarumo muhiim ah iyo gelitaanka askarta gudaha xarumahaas.
Sidoo kale, waxaa jiray weerarro ula kac ah oo lagu dilay suxufiyiin ka tirsan telefishinka, kuwaas oo loo arko qayb ka mid ah dadaallada lagu cabburinayo codadka ka warbixiya xaalada ka jirta Gaza. Tan ayaa qeyb ka ah xaaladda daran ee ka taagan Marinka Gaza oo Israa’iil ay rabto inay caalamka ka qariso gumaadka arxan darrada ah ee ay ka wado halkaasi.