Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa si degdeg ah u adeegsaneysa gantaalaha difaaca cirka kadib shan maalmood oo dagaal ay kula jirto Iran, taasi oo sii yareyneysa keydkeeda, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah oo xog-ogaal u ah dadaallada lagu xoojinayo keydka difaaca Israel, sida uu daabacay Middle East Eye.
Qeybo ka mid ah dowladda Mareykanka ayaa laga dareemayaa walaac ah in weerar toos ah oo uu Mareykanku ku qaado Iran uu keeni karo aargudasho weyn oo Iran ku wajahdo Israel — taasoo khatar gelin karta keydka caalami ah ee gantaallaha difaaca Mareykanka, iyadoo heerkiisu noqon karo mid “aad u hooseeya,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Israel waxay ku tiirsan tahay saddex heer oo nidaam difaac cirka ah, hase yeeshee weerarrada Iran ayaa si adag u imtixaanaya nidaamyadaas casriga ah.
Nidaamka Iron Dome ayaa loo adeegsadaa in lagu soo rido gantaallada gaaban iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo tuuraan kooxaha sida Hamas iyo Xisbullah. Heerka labaad ee difaaca waa David’s Sling, oo loogu talagalay in lagu qabto gantaallada culus iyo qaar ka mid ah kuwa ballistic-ka. Nidaamyada Arrow 2 iyo Arrow 3 ayaa loogu talagalay in lagu soo rido gantaallada ballistic-ka, iyadoo Arrow 3 uu xitaa ka hortegi karo gantaallada hypersonic-ka ah ee ka baxa jawiga dhulka.
Dib-u-cusboonaysiinta nidaamyada Arrow ayaa mar walba ahayd caqabado joogto ah oo Israel la tacaaleysay. Middle East Eye ayaa bishii Sebtembar werisay in Israel ay la daalaa-dhacaysay sidii ay dib ugu buuxin lahayd keydka gantaallada Arrow kadib weerarkii ugu horreeyay ee Iran ku qaadday Israel bishii Abriil ee sanadkii hore. Mareykanka iyo Israel ayaa si wadajir ah u soo saara gantaalladan.
“Gantaallada loo adeegsado difaaca ballistic-ka waa kuwo qaali ah, waxaana adag in si tiro badan oo degdeg ah loo soo saaro,” ayuu ku qoray Dan Caldwell, oo horey uga tirsanaa Waaxda Difaaca Mareykanka xilligii hore ee maamulka Trump, isagoo kasoo horjeeday isku dhac militari oo lala galo Iran.
“Waxaan filayaa in Israel ay haysato tiro wanaagsan oo gantaallada Arrow iyo Stunner ah ee loogu talagalay nidaamka David’s Sling, balse waxaa suuragal ah in ay si weyn uga faa’iidaysatay intii ay iska difaacaysay weerarradii Xuutiyiinta iyo kuwii Iran ee sanadkii hore,” ayuu yiri Caldwell. “Sidaas darteed, waxay u badan tahay in Israel iyo Mareykanku ay bilaabi doonaan in ay si taxaddar leh u qorsheeyaan isticmaalka gantaalladooda difaaca.”
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa Isniintii sheegay in Iran ay tan iyo 13-kii Juun ku tuurtay Israel ugu yaraan 370 gantaal ballistic ah.
Faa’iido xaddidan
Mid ka mid ah faa’iidooyinka ay Israel haysato oo u muuqda mid wax ka tari kara yaraanta gantaallada difaaca waa awooddeeda cirka ee ay ka kor yeelatay Iran — taas oo ay gaartay afar maalmood gudahood.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si furan uga shaqeynaya cirka Tehran xilliyada maalintii. Sida laga soo xigtay milateriga Israel, waxay burburiyeen ku dhawaad saddex-meelood meel ka mid ah awoodda Iran ee gantaallada dhul-ka-dhulka ah.
Josh Paul, oo horey uga tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, isna casilay si uu uga hortago taageerada Mareykanka ee dagaalka Israel ay ka waddo Gaza, ayaa u sheegay Middle East Eye in Israel ay si taxaddar leh u bartilmaameedsatay saldhigyada gantaallada ee Iran.
“Ma ogin inta gantaal ee ay Iran weli kaydsatay ama diyaar u tahay inay isticmaasho. Waxay ila tahay in dhibaatadu ay tahay mid la xiriirta qalabka ridista, ee aysan ahayn tirada gantaallada lafteeda,” ayuu yiri Paul.
Si kastaba ha ahaatee, laba sarkaal oo Mareykan ah oo la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in Iran ay weli xaddidaysay weerarradeeda si looga hortago in Mareykanku si toos ah ugu lug yeesho duullaanka Israel.
Saddex sarkaal oo Carbeed, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwo dalalkooda ay dhex-dhexaadinayaan Mareykanka iyo Iran, ayaa Isniintii u sheegay Middle East Eye in ay aaminsan yihiin in Mareykanku aad ugu dhow yahay inuu si toos ah uga qeyb qaato weerarrada Israel.
Si kastaba ha ahaatee, xadka u dhexeeya faragelin la’aanta iyo ku lug lahaanshaha Mareykanka ayaa sii yaraanaya. Mas’uuliyiin hore iyo kuwo hadda xil haya oo Mareykan ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Mareykanku uu hadda yahay “wada-dagaalyahan” aan si rasmi ah loo shaacin, maadaama uu si toos ah uga qeyb qaadanayo difaaca Israel.
Sida ay sheegeen saraakiishaasi, Mareykanku wuxuu isku dayayaa inuu buuxiyo baahida Israel ee dhinaca difaaca cirka.
Ka-qeyb qaadashada Mareykanka
Mareykanka ayaa adeegsaday ugu yaraan hal saldhig oo Terminal High-Altitude Area Defence (THAAD) ah oo ku yaalla Israel si uu uga hortago gantaallada Iran. Waxa kale oo Mareykanku ku leeyahay gobolka dhowr saldhig oo lagu rakibay nidaamyada difaaca Patriot.
Sida sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka uu Isniintii u xaqiijiyay Middle East Eye in Mareykanku uu adeegsaday gantaallada difaaca cirka ee SM-3 si uu u difaaco Israel.
Gantaalka SM-3 waa nooca maraakiibta saaran ee nidaamka Patriot. Sarkaalka ayaa sheegay in markabka dagaalka ee USS Arleigh Burke — oo ah burburiye gantaallo hagi kara — uu ka qeyb qaatay difaaca Israel isaga oo ka howlgalaya xeebaha Mediterranean-ka bari.
Falanqeeyayaal dhanka amniga ah ayaa xusay in intii uu socday ololihii Mareykanka ee 2024 ee lagula dagaalamayay Xuutiyiinta Yemen, ciidanka badda Mareykanka ay hal maalin gudaheed ku isticmaaleen gantaallo SM-3 oo ku filnaan lahaa sanado dhan.
Iyadoo uu dagaalka u dhexeeya Israel iyo Iran galay maalintiisii shanaad, Mareykanka ayaa sii kordhinaya ciidamada iyo qalabka milatari ee uu u dirayo goobta dagaalka.
Markabka xambaarsan diyaaradaha dagaalka ee USS Nimitz ayaa kasoo dhaqaaqay Badda Shiinaha ee Koonfureed isagoo kusoo wajahan Bariga Dhexe, sida lagu arkay xogta la socodka maraakiibta. Markabka USS Carl Vinson oo isna xambaarsan diyaarado dagaal ayaa horey uga howlgalayay Bariga Dhexe.

