Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa’iil, Yisrael Katz ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidanka Israa’iil ay kordhin doonaan weerarradooda ka dhanka ah Iran, xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay toban maalmood oo dheeraad ah inta aan la qaadin tallaabooyin militari oo culus.
Katz ayaa sheegay in Israa’iil aysan joojin doonin duqeymaha ay ka waddo bartilmaameedyada la xiriira awoodda militari ee Iran, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Tehran ay bixin doonto “qiimo culus” oo ka dhasha weerarrada gantaallada ee lagu beegsanayo Israa’iil.
Wuxuu ballanqaaday in la kordhin doono baaxadda weerarrada, isla markaana la beegsan doono goobo dheeraad ah oo lagu tuhunsan yahay inay kaalin ku leeyihiin horumarinta iyo adeegsiga awoodaha militari ee Iran, gaar ahaan kuwa la xiriira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
“Inkasta oo digniino la bixiyay, haddana weerarradu way socdaan, ciidanka Israa’iilna waxay kordhin doonaan oo ballaarin doonaan duqeymaha ka socda Iran si ay u gaaraan bartilmaameedyo kale oo ka tirsan qaybaha ka caawiya nidaamka inuu horumariyo oo adeegsado awood ciidan oo ka dhan ah rayidka Israa’iil,” ayuu yiri Katz.
Wuxuu intaas kusii daray: “Waxay bixin doonaan qiimo culus, oo sii kordhaya, dambigan dagaal awgiis,” isaga oo ula jeeda weerarrada gantaallada ee Iran ay ku qaadayso Israa’iil, kuwaas oo sababay khasaare iyo cabsi soo wajahday shacabka.
Dhawaaqa kasoo yeeray Israa’iil ’iil ayaa imanay xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu siinayo Iran muddo 10 maalmood ah oo dheeraad ah si loo gaaro heshiis ama loo joojiyo xiisadda, ka hor inta aan la qaadin tallaabooyin militari oo culus.
Tan ayaa daba socota farriin uu dhawaan Mareykanka u diray Iiraan, isaga oo adeegsanaya ergo iyo dalal dhexdhexaad ah, taas oo la gaarsiiyay Tehran. Madaxweyne Trump ayaa hadda daneynaya inay bilowdaan wada-hadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo muddo hakad ku jiray.
Si kastaba, xiisadda dagaal ee u dhexeysa Israa’iil iyo Iran ayaa haatan mareysa heer aad u sareeya, iyadoo beesha caalamka ay ku baaqeyso in la dejiyo xaaladda, lana bilaabo wada-hadal diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal ballaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe.

