24.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Itoobiya oo beenin yaab leh ka soo saartay dagaalka GEDO

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) –  Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Suleymaan Dedefo oo bixiyay wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii lasoo magacaabay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya oo ay kamid tahay arrimaha gobolka Gedo.

Danjire Suleymaan Dedefo ayaa ugu horrayn beeniyay in ciidamada Itoobiya ay ka qayb qaateen dagaalladii ugu dambeeyay ee dhowaan ka dhacay gobolkaasi. Ciidanka Itoobiya ayaa la ogyahay inay horay u weerareen ciidamada NISA ee ku sugan Doolow, waxayna sidoo kale soo xireen markaas taliyihii hoggaaminayay oo markii dambe ay sii daayeen.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi ayaa sidoo kale Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku amray inay ka baxaan Beledxaawo, taas oo si adag uga hortimid dowladda. Tan ayaa ka dhigaysa Itoobiyaaanka kuwo si toos ah ugu lug yeeshay xiisadda Gedo ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Safiirka Itoobiya ee hadda hadlay ayaa xusay in uu jiro dagaal ka dhacay meel u dhow xero ay dagan yihiin ciidankooda, balse aysan dagaalka Gedo gelin, isla markaana la doonayo in la abuuro rabshado ka dhex dhaca Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in labada dowladood ay horay uga wada-hadleen sidii loo baari lahaa kiiska dhacay, ayna dowladdiisa soo magacaabi doonto koox farsamo oo ka qayb qaata baaritaanka, sida ay wax u dhaceen.

“Dagaalka waxa uu ka dhacay meel u dhow xero ciidanka Itoobiya degen yihiin, waxa aan xaqiijinayaa in aanay ciidamada Itoobiya qayb ka ahayn, Itoobiya weligeed ma samayn in ay caawiso dhinac kamid ah walaalaha dagaalamaya,” ayuu yiri Danjire Suleymaan Dedefo.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Cabashadu waxa ay ahayd in ciidanka Itoobiya weerareen NISA, balse arrintu sidaas ma ahayn oo waxaa dhacay in ciidankeennu gargaar siiyeen askar dhaawac ah kaddibna dib u celiyaan” ayuu yiri Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu weeraray siyaasadda ciidanka Masar ee la keenayo gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka tari doonin xaaladda Soomaaliya.

Suleyman Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu mar kale ku yiri wareysiga.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay Masar si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM).

- Advertisement -

Read more

Local News