Dowladda Itoobiya oo maanta tallaabo cusub u qaaday fulinta heshiiska badda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo weli kusii adkaysaneyso heshiiska badda ee ay horraantii sanadkan la gashay maamulka Somaliland ayaa maanta tallaabo u qaaday fulinta heshiiskaas oo ay diidan tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo saadka ee xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa maanta baarlamaanka dalka Itoobiya horgeeyay heshiiskan oo ku saabsan in ay deked iyo saldhig militari ka helaan badda cas ee Soomaaliya.

Alemu Sime oo ah wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa baarlamaanka u sheegay in heshiiska is-afgaradka ah ee ay la galeen Itoobiya uu yahay mid dhab ah oo ka caawinayo helitaanka marin-badeedka ay muddada dheer raadinayeen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in fulinta heshiiskan uu isbeddel wayn u keenayo Itoobiya, isla markaana uu aas aas u noqonayo iskaashi cusub.

“Tani waxay ka dhigi doontaa rabitaanka Itoobiya ee ah helitaanka marin badeed, taasoo keenaysa isbeddel aas-aasi ah waxqabadka saadka iyo iskaashi cusub,” ayuu yiri wasiirka.

Shalay dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda badda cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato.

Agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo hadalkaas  ka dhawaajiyay ayaa sheegay in helitaanka bad ay muhiimad wayn u leedahay Itoobilya, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin doonistooda badda cas, xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay la galeen maamulka Somaliland.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay Badda Cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna Badda Cas” ayuu yiri Jacfar Bedru.

Si kastaba, waxaa weli halkeeda ah xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhalatay heshiiska badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.