ITOOBIYA oo mowqifkeeda bedeshay iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda NILE

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Sudan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis ah in dib loo dhigo buuxinta biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran.

Saddexda dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana labada toddobaad ee soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah.

Ethiopia ayaa mowqifkeeda beddeshay xilli qorshaheeda hore uu ahaa inay billowdo buuxinta keydka biyo xireenka Nile 1-da July, taasi oo Masar iyo Sudan ay aad uga digeen.

Dhismaha biyo xireenkaan ay ku baxday 4.6 billion oo dollar waxaa la dhameystiray 70 boqolkiiba waxaana uu balanqaadayaa bixinta korontada ay u baahanyihiin 100-ka million ee reer Ethiopia- waana meesha uu ka taaganyahay muranka sedaxda dal ee noloshoodu ku tiirsantahay webiga Nile.

Muddo toban sano ah oo ay adkaadeen wadahadallo u dhexeeyay labada wadan ee webigu maro, Masar iyo Sudan, iyo dalka uu kasoo billowdo ee Ethiopia ayaa gaaray muran markii ay Masar geysay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay todobaadkii lasoo dhafay.

Masar oo dhamaan webiga Nile ay ku tiirsanyihiin biyaheeda saafiga ah, ayaa ka walaacsan in ay xaqiijiso heshiis adag oo damaanad qaadaya qul-qulka biyaha iyo hanaan lagu xaliyo muranka ka hor inta uusan  biyo xireenku shaqo bilaabin.

Warqad ay u dirtay Golaha Amaanka Khamiistii, ayey Sudan uga digtay in nolosha malaayiin qof ay khatar geli doonto hadii ay Ethiopia ku dhaqaaqdo qorshaheeda heshiis la’aan.

Heshiiska la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee biyo-xireenka loo yaqaan GERD.