27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Itoobiya oo Muqdisho kaga dhowaaqday war yaab leh oo ku saabsan ciidankeeda badda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana furay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen saraakiil ka kala socota dalalka ku midoobay ururkan.

Dowladda Itoobiya ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howlgalka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay kulankii maanta, iyagoo lasoo baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, xilligaas oo Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.

Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.

Ajendaha shirkan ayaa markii hore ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirka.

Dood adag oo lagu sigtay in lagu kala tago shirka ayaa abuureen saraakiisha Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, halka saraakiisha Soomaaliya ay si cad u diideen in warbixintii ay ka jeedinayeen shirkaas ay sii socoto, wuxuuna shirku maanta ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan.

Saraakiisha Muqdisho uga qeyb-galeysa shirkan waxaa ka mid ah Korneyl Cabdiraxmaan Cabdi, oo ah la-taliyaha sare ee dhanka hawlgallada ee Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti. Korneylka oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda shirkan ayaa sheegay in qorshaha ay dejinayaan ay u gudbin doonaan wasiirrada difaaca ee dalalka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, oo shirkan ku metelaya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada looga hadlayo shirkan ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Soomaaliya ay sharaf iyo guul taariikhi ah u tahay marti-gelinta shirkan.

Saraakiisha ka qeyb-galeysa shirkan ayaa si weyn u falanqeeyey arrimaha muhiimka ah ee quseeya dalalka ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, iyadoo qorshayaasha ka soo baxa shirkan la hor-geyn doono wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ESF oo shir kale isugu imaanaya dhowaan.

Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF ayaa dhisan muddo 25 sano ah, waana markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay marti-geliso shir noocan oo kale ah. Agaasimaha Guud ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo shirka ka hadlay ayaa Soomaaliya ku amaanay marti-gelinta shirkan, soo kabashada dhanka amniga ee ka muuqata dalka, iyo sida ay Soomaaliya u ciyaareyso doorkeeda adkeynta amniga ee gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News